Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamanka oo ka dooday Been Xalaalaynta Lacagaha iyo Maalgalinta Argagixisada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 2, 2015
in Wararka
0
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Barlamanka ee maanta waxaa shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jaylaani Nuur Iikar iyadoo looga hadlay Ajandayaasha kala ah ka hortagga Been Xalaalaynta Lacagaha iyo Maalgalinta Argagixisada.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Su’aalo weydiiyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya iyadoo kulankaas ay Soo xaadireen 143 mudane Baarlamaan.

Related posts

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka hor hadlay Baarlamaanka ayaa sheegay in Sharciga ka hortagga Been Xalaalaynta Lacagaha iyo Maalgalinta Argagixisada uu muhiim uyahay  lacagaha sida sharci darrada ah loo daabaco isagoo ka codsaday Barlamaanka in ay Sharcigaan Meel mariyaanka

Xildhbaannada Baarlamaanka ayaa billaabay iney talooyinkooda ku Biiriyaan sharciga, waxaana ay Wasiirka weeydiiyeen su’aallo balse Tallooyinka Xildhibaannada waxey ku qotomeen in si gaar ah looga feejignaado inaanay sharcigan saameyn ku yeelan dadka gudaha ku nool ee dibadda lacagaha looga soo diro, balse in laga hortago ay tahay lacaga sida sharci darrada ah loo daabaco.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Ansixiyey Hindise Sharciyeedka ka hortagga been xalaalaynta lacagaha iyo maalgelinta argagixisada 16’ka bishii June ee sannadkan 2015 waxaana sharcigaan oo ka kooban 50 qodob samentiisa loo cuskaday qodobada 99aad iyo 102aad ee Dastuurka Dalka, ayadoo u jeedaduna tahay in la xakameeyo lacagaha sida sharci darrada ah loo daabaco iyo la socodka lacagaha la isku diro taasi oo si gaar ah looga ilaalinayo in loo adeegsado Maalgalinta argigixisada.

 

Previous Post

Wasiirka warfafinta” maaha in sida xoolo meel lagu soo xirto qof gudanaya waajibkiisa Shaqo”

Next Post

Wasaaradda Haweenka oo diyaarineysa siyaad Qaran oo xagga gudniinka gabdhaha

Next Post
Haween tababar loogu soo xiray Muqdisho

Wasaaradda Haweenka oo diyaarineysa siyaad Qaran oo xagga gudniinka gabdhaha

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabadda xuska sannad guurada 65-aad ee xornimada iyo Midnimada...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 65-...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In