Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maareeyaha guud ee maamulka iyo amniga ee garoonka Aadan Cadde oo la magacaabay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 19, 2016
in Wararka
0
Maareeyaha guud ee maamulka iyo amniga ee garoonka Aadan Cadde oo la magacaabay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan looga hadlayay dar dargelinta amniga garoonka Aadan Cadde kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garoonka.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku-xigeennada Wasaaradaha Amniga iyo duulista hawada, Taliyeyaasha ciidamada booliska, nabad sugidda, saraakiil ka socotay waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha iyo xubno ka tirsan shirkadda maamusha garoonka ee FAVORI.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Shirka ayaa diiradda lagu saaray sare u qaadidda amniga garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, waxaana uu Madaxweynuhu tallooyin ka dhageystay saraakiisha laamaha amniga tallaabooyinka dhanka amni ee horey loo qaaday kadib iskudaygii dhicisoobay ee lagu qaaday diyaaraddii shirkadda duulimadka ee Daalo Airline.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay waqti dheer ku bixisay sidii looga hortagi lahaa falal amniga ka dhan ah oo ka dhaca garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isla markaana qasaaro gaarsiiya muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dadyowga adduunka ee diyaaradaha garoonka ka duula ay u tegaan.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa isbedel deg deg ah ku sameysay maamulka garoonka, iyadoo Maareeyaha guud ee maamulka iyo amniga garoonka loo magacaabay Jeneraal Cabdi Abshir Jaamac, kadib wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa armay saraakiisha amniga ee garoonka inay ka hortagaan waxkasta oo Nabadgelyada garoonka Aadan Cadde wax u dhimaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tegay saldhiga booliska ee garoonka Aadan Cadde oo dib u habeyn casri ah lagu sameeyay, isagoo mid mid u galay qeybaha uu ka koobanyahay saldhigga.

 

 

Previous Post

Afar qofood oo ku dhimatay Qarax ka dhacay magaalada Istambul ee dalka Turkiga

Next Post

Madaxweynaha: “Suuragal ma ahan in la helo nabad iyo xasilooni buuxda haddii aanu maamul jirin”+Sawirro

Next Post
Madaxweynaha: “Suuragal ma ahan in la helo nabad iyo xasilooni buuxda haddii aanu maamul jirin”+Sawirro

Madaxweynaha: "Suuragal ma ahan in la helo nabad iyo xasilooni buuxda haddii aanu maamul jirin"+Sawirro

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In