Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 31, 2024
in Wararka
0
𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinteeda ku aadan hannaanka dib-u-eegista 4-aad wajigiisa 2-aad kadib shirar ay yeesheen IMF iyo Dowladda Soomaaliya oo ka kala dhacay Turkiga iyo Mareykanka.

IMF ayaa Warbixinta ay soo saartay ku amaantay dadaalka Dowladda Soomaaliya ee horumarinta ilaha dhaqaalaha iyo dib-u-habeynta hannaanka maamulka maaliyadda dalka, oo ay ugu muhiim san yihiin sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo hagaajinta shuruucda maaliyadda.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

𝐇𝐚𝐝𝐚𝐛𝐚, 𝐬𝐢𝐝𝐚𝐭𝐚𝐧 𝐚𝐲𝐮𝐮 𝐮 𝐪𝐨𝐫𝐚𝐧 𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐬𝐚𝐱𝐚𝐚𝐟𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐈𝐌𝐅,

Kooxda IMF ee ay hoggaaminaysay 𝐌𝐬. 𝐋𝐚𝐮𝐫𝐚 𝐉𝐚𝐫𝐚𝐦𝐢𝐥𝐥𝐨 ayaa wadaxaajood ay la yeelatay Masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐁𝐢𝐢𝐱𝐢 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞, kulamadaas oo ka kala dhacay Magaalooyinka 𝐖𝐚𝐬𝐡𝐢𝐧𝐠𝐭𝐨𝐧 𝐃𝐂 iyo 𝐈𝐬𝐭𝐚𝐧𝐛𝐮𝐥 ayaa ku soo dhammaaday si guul ah, kulamadaas kadib, IMF ayaa soo saartay Warbixintaan hoos ku xusan oo aan dulmarkeeda idiin soo turjimnay,

𝐖𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐤𝐮 𝐛𝐢𝐥𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧𝐚𝐲𝐬𝐚𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐮,

Saadaasha kobaca dhaqaale soo-saarka gudaha ee Soomaaliya ayaa horumar sameeyay, inkastoo ay jiraan caqabado, hadana Sanadkan 2024-ka waxaa isbeddallo togan laga sameeyay wax soo saarka beeraha, dhoofinta, iyo nidaamyada xawaaladaha, iyada oo la filayo in uu sii socdo horumarkan ilaa 2025-ka. Natiijo ahaan, kobaca dhaqaale soo saarka gudah (GDP) ayaa gaaray 4 boqolkiiba 2024 ilaa 2025.

In kasta oo ay jiraan caqabado amni, Dowladda Soomaaliya waxa ay u dhabar adeegtay dagaalka ay kula jirto kooxda khawaarijta argagixisada, waxa ayna sii waddaa la shaqaynta saaxiibada caalamiga ah si loo xaqiijiyo in si guul leh looga guuro Hawlgalkii Midowga Afrika oo hadda lagu badalayo ciidamo cusub horaanta sanadka soo socda ee 2025-ka. Khataraha jira ee mustaqbalka dhow waxaa ka mid ah isbaddalka cimilada ee saameeyay dhaqaalaha dunida.

Dowladdu waxa ay ku howlantahay in ay diiradda saarto sare u qaadidda dakhliga gudaha, iyada oo ujeedadoodu tahay in dakhliga gudaha uu si buuxda ugu filnaado kharashaadka joogtada ah marka lagaaro 2027, iyada oo sidoo kale dakhliga guduhu uu daboolayo kharashkaadka waxbarashada iyo caafimaadka. Dakhliga gudaha ee Dowladda ayaa ahaa mid waafaqsan filashooyinkii lagu saadaqliyay jaangoyntii sii hore. Miisaaniyadda Dowladda ee 2025-ka ayaa odorosaysa marka loo eego dakhliga gudaha in dhaqaale soo saarka Gudaha (GDP) uu noqonayo 3.3 boqolkiiba. Dowladdu waxa ay garowsan tahay muhiimadda ay lee dahay in horumar joogto ah laga sameeyo hannaanka dib-u-habaynta maaliyadda, iyada oo la raacayo qorshaha hagidda dakhliga ee xiliga dhexe ee dhawaan la shaaciyay (Medium-term Revenue Roadmap), qorsheyaashaas waxaa ka mid ah casriyaynta nidaamka furdooyinka, sharciga cashuuraha dakhliga iyo dhaqangalinta xooggan ee cashuuraha iibka.

Hannaanka Maareynta Maaliyadda Guud (PFM) ayaa ahaa mid ay Dowladdu ku guulaysatay ku dhaqmidiisa, iyada oo la hormariyay nidaamka mushaar bixinta, Hufnaanta iyo Isla xisaabtanka.

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) wuxuu horumarin ku sameeyay maamulka hannaanka Maaliyadda ee hay’adaha Dowladda. Waxa uu diiradda saaray xeel-dheerinimo maaliyadeed oo ay kamid yihiin kobcinta qaab dhismeedka sharciya, iyo kormeerka, hagaajinta tayada nidaamka xogta iyo kordhinta awoodaha farsamo. Bangiga ayaa dadaal galiyay sii wadidda xoojinta nidaamka ka hortagga lacagta dhaqista iyo la dagaalanka maalgalinta argagixisada si loogu hoggaansamo xeerarka caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya waxa ay damacsan tahay dib-u-soo celinta lacagta Shilinka Soomaaliga ah (SOS) iyada oo la hirgalinayo guddiga dib-u-qaabaynta lacagta. Lacagahaan ayaa u sahli doona gacasiyada yar yar ee Soomaalida in ay wax kala iibiyaan gaar ahaan waxa uu aad u taageeri doonaa wax kala iibsiga qiimihiisu hooseeyo, si loo xaqiijiyo in Shilinka Soomaaliya dib loogu daaboco si taxadar leh, siyaasaddiisuna ay daggan tahay ayaa Dowladdu waxa ay qorsheynayaaa in ay dhisto guddi kor-joogteeya dib-u-daabicidda lacagta iyada oo taageero ka helaysa IMF qeybta horumarinta xirfadaha. Dhaqan galinta arrimaha lacag daabacaada waxa ay qaadan doontaa muddo u dhaxaysa 18 ilaa 24 Bilood, kadib marka la dhiso, lana dhameystiro arrimaha muhiim ka u ah lacag daabicidda ayaa Dowladdu waxa ay heli doontaan taageero maaliyadeed oo caalami ah.

Sidoo kale Dowladda waxaa ka go’an in ay horumariso tillaabooyin ka lagu xoojinayo horumarka ka hortagga faqriga iyo kor u qaadidda qorsheyaasha looga hortagayo Isbaddalka Cimilada iyo sare u qaadidda dhaqaalaha ganacsiga. Dowladdu waxaa kale oo ay ku dadaalaysaa Waxbarashada, iyada oo xaqiijinaysa in caruurta Soomaaliyeed Iskuulada si toos ah u aadaan iyada oo la xaqiijinayo in gabdhuhu ay soo xaadiraan waxbarashada.

Waxaa sidoo kale Dowladda mudnaan gaar ah u leh ka hortagidda saameynta dhaqaale ee isbaddalka cimilada iyo xoojinta amniga cunnooyinka. Ka mid noqoshada Ururka Bulshada Bariga Afrika oo abuuraya fursado muhiim ah ayaa sidoo kale loo baahan yahay in loo maareeyo sida ugu haboon hadii ay dhashaan caqabado lama filaan ah.

𝐔𝐠𝐮 𝐝𝐚𝐦𝐛𝐞𝐲𝐧, Xafiiska Howlgalka IMF ee Soomaaliya waxa uu u mahadcelinayaa Masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya ee ay la galeen wadahadalada miro-dhalka ah ee ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Badroolka, Gudoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Masuuliyiin kale oo ka socday Dowaldda Soomaaliya.

Previous Post

Xerada cusub ee ciidanka la dagaallanka argagixisada oo la dhagax dhigay

Next Post

Madaxweynaha JFS oo soo xiray kulan Cilmiyeedka xarunta Cilmi-baarista

Next Post
Madaxweynaha JFS oo soo xiray kulan Cilmiyeedka xarunta Cilmi-baarista

Madaxweynaha JFS oo soo xiray kulan Cilmiyeedka xarunta Cilmi-baarista

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In