Tuesday, August 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 1, 2024
in Wararka
0
๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho heshiis taariikhi ah oo gaaraya $68.5 milyan kula saxiixatay Dowladda Mareykanka. Heshiiskan waxaa si rasmi ah qallinka ugu duugay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Egeh oo dhinac ah iyo Madaxa USAID ee Soomaaliya, Catie Lott.

Heshiiskani wuxuu diiradda saarayaa dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada iyada oo loo marayo iskaashi istiraatiiji ah. Heshiiska ayaa wax ka qaban doona arrimo muhiim ah sida kobcinta dhaqaalaha, dib-u-habaynta maamulka, caafimaadka, waxbarashada, iyo awood-siinta haweenka iyo dhalinyarada, isagoo taageeraya aragtida fog ee adkeysiga Soomaaliya.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

August 12, 2025
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

August 12, 2025

โ€œHeshiiskani wuxuu ka turjumayaa iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, kuna saleysan himilada aan wadaagno ee ah Soomaaliya oo adkeysi leh, barwaaqo ah, oo loo dhan yahay,โ€ ayuu yiri Wasiir Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) intii lagu guda jiray xafladda saxiixa. โ€œDeeqdan waxaan ku xoojin doonaa waxbarashada, maamulka, iyo horumarinta dhaqaalaha, si loo hubiyo in dadkeena, gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada, ay helaan agabka iyo fursadaha ay ku horumari karaan.โ€

Deeqda maanta ee $68.5 milyan ayaa ballaarin doonta barnaamijyada Waxbarashada Aasaasiga ah ee la Dardargeliyay, iyadoo ay ka faaโ€™iideysan doonaan in ka badan 150,000 oo carruur Soomaaliyeed ah, lana dayactiri doono in ka badan 200 fasal, taas oo siin doonta 10,000 oo arday dheeraad ah fursad waxbarasho sanad walba. Sidoo kale, deeqdan waxay kor u qaadi doontaa awoodda dowladnimo, ka-qaybgalka bulshada, iyo abuurista fursado dhaqaale oo ay haweenka iyo dhalinyarada si gaar ah uga faaโ€™iideysan doonaan.

โ€œHeshiiskani wuxuu muujinayaa muhiimadda iskaashiga u dhexeeya Mareykanka iyo Soomaaliya, iyadoo xooga la saarayo dhisidda adkeysiga iyo xasilloonida, kobcinta dhaqaalaha, iyo horumarinta hoggaamiyeyaasha mustaqbalka โ€“ haweenka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed,โ€ ayay tiri Catie Lott, Madaxa USAID ee Soomaaliya, oo ka hadashay xafladda.

Heshiiskani wuxuu sii xoojinayaa ku dhawaad 18 sano oo Mareykanka uu taageero horumarineed siiyay Soomaaliya, taas oo kordhin doonta saameynta deeqdan ku leedahay dawladnimada, waxbarashada, iyo adkeysiga dhaqaalaha. Ujeeddada heshiiska ayaa ah in la abuuro xasillooni iyo horumar mustaqbalka fog oo laga helo bulshooyinka miyiga iyo magaalooyinka dalka oo dhan.

 

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheikh oo furay Shirweynaha Caalamiga ah ee Maalgashiga Beeraha

Next Post

Guddoomiyaha golaha shacabka oo xafiiskiisa ku qaabbilay wakiilka UNOPS ee Soomaaliya

Next Post
Guddoomiyaha golaha shacabka oo xafiiskiisa ku qaabbilay wakiilka UNOPS ee Soomaaliya

Guddoomiyaha golaha shacabka oo xafiiskiisa ku qaabbilay wakiilka UNOPS ee Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

August 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta isaka diiwaan-geliyey goobta diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee Degmada Warta-Nabadda ayaa ku...

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

August 12, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar โ€œJeneraal Khaalid,โ€ ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray...

RW ku-xigeenka dalka โ€œAmni darradu waa dabarka ku xiran horumarka daโ€™yarta Soomaaliyeed.โ€

RW ku-xigeenka dalka โ€œAmni darradu waa dabarka ku xiran horumarka daโ€™yarta Soomaaliyeed.โ€

August 12, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo maanta qeyb galay xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo sanad...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

August 12, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarigga ka jaray afar waddo oo laami...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In