Tuesday, November 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

๐ƒ๐ซ. ๐‚๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ซ: โ€œ๐–๐š๐๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง ๐ญ๐š๐ฒ๐จ ๐ฅ๐ž๐ก, ๐›๐ข๐ฒ๐จ-๐ฆ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ง๐ง๐จ ๐ฐ๐š๐š๐ซ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ ๐จ๐จ ๐๐ข๐› ๐ฎ ๐ก๐ž๐ฌ๐ก๐š ๐›๐ข๐ฅ๐ข๐œ๐๐ž๐ž๐๐ข๐ข ๐›๐š๐ซ๐ข-๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐ข๐ขโ€

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 weeks ago
in Wararka
0
๐ƒ๐ซ. ๐‚๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ซ: โ€œ๐–๐š๐๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง ๐ญ๐š๐ฒ๐จ ๐ฅ๐ž๐ก, ๐›๐ข๐ฒ๐จ-๐ฆ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ง๐ง๐จ ๐ฐ๐š๐š๐ซ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ ๐จ๐จ ๐๐ข๐› ๐ฎ ๐ก๐ž๐ฌ๐ก๐š ๐›๐ข๐ฅ๐ข๐œ๐๐ž๐ž๐๐ข๐ข ๐›๐š๐ซ๐ข-๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐ข๐ขโ€
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaabayso mashaariic waaweyn oo horumarineed oo wax weyn ka tari doona dhismaha wadooyinka iyo xal u helidda biyo-mareenada magaalada Muqdisho, kuwaas oo xilli roobaad kasta caqabad ku ahaa isku socodka shacabka.

Wasiir Cilmi oo waraysi gaar ah siiyay Barnaamijka Raad Raac ee Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in mashruuca cusub ee lagu magacaabo โ€œ๐๐€๐†๐€๐€๐ƒโ€ hadda lagu tijaabiyay lix magaalo oo ay ka mid yihiin Muqdisho, Garowe iyo Hargeysa, isla markaana uu horseeday isbeddel muuqda oo dhanka bilicda, dhismaha wadooyinka iyo furista biyo-mareenada magaalooyinka.

Related posts

Hayโ€™adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hayโ€™adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025
Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

November 4, 2025

โ€œDhawaan waxaan hirgalinay nidaam lagu hubinayo tayada agabka dhismaha dalka, waxaana la sameeyay Laab tayo-hubin ah oo qayb ka ah mashaariicda cusub. Madaxweynaha Qaranka, intii uu ku sugnaa Dhuusamareeb, isagaa indhihiisa ku arkay natiijadii mashruucaas waa guul la taaban karo in dalkeennu isku filnaansho ku gaaro dhanka dhismaha,โ€ ayuu yiri Wasiir Cilmi.

๐ˆ๐ฌ๐›๐ž๐๐๐ž๐ฅ ๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ช๐๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฆ๐š๐ฒ๐จ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š.

Wasiirka ayaa sheegay in mashaariicda hadda ka socda dalka ay si weyn u beddeleen qaab-dhismeedka magaalooyinka, isla markaana ay sare u qaadeen bilicda iyo la jaanqaadka magaalooyinka caalamka.

Tusaale ahaan, magaalada Garowe ayaa laga hirgeliyay buundooyin iyo biyo-mareenno casri ah, kuwaas oo sare u qaaday isku socodka iyo kobaca dhaqaalaha deegaanka.

โ€œWaxaan hadda dhiseynaa wadooyin tayo sare leh iyo biyo-xireenno waaweyn oo suuragelinaya in roobabku aysan mar dambe wadooyinka Muqdisho burburin. Waxaan dhulka hoostiisa marinaynaa biyo-mareenno casri ah, si aan u soo celinno quruxdii bari-samaadkii ee caasimaddu lahayd,โ€ ayuu ku daray wasiirka.

๐Œ๐š๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐œ๐š ๐๐€๐†๐€๐€๐ƒ โ€“ ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐ฑ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ฐ๐š๐š๐ซ๐š ๐ž๐ž ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

Dr. Cilmi ayaa sheegay in bilowga bisha November magaalada Muqdisho lagu qaban doono shirkii ugu horreeyay ee dhismaha dalka, kaas oo ay ka qeyb-geli doonaan daneeyayaasha caalamka.

Wajiga koowaad ee mashruuca ayaa diiradda saari doona qodista biyo-mareennada dhulka hoostiisa, iyadoo qorshuhu yahay in laga sameeyo laga bilaabo isgoyska Number Afar ilaa xeebta Liido, mashruucan oo ku kacaya in ka badan $50 milyan.

โ€œWaxaan sameynay sahan dhameystiran oo muujiyay in biyo-xireenadii magaalada ay burbureen. Sidaas darteed, qorshahan cusub wuxuu noqonayaa xalka waara ee wadooyinka iyo biyo-mareennada caasimadda,โ€ ayuu yiri Wasiir Cilmi.

๐‡๐ข๐ซ๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง ๐œ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐จ๐จ ๐›๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐›๐š๐ง๐š๐ฒ๐ฌ๐š ๐ฌ๐š๐ง๐š๐๐ค๐š ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”.

Wasiirka ayaa sheegay in mashruucan si rasmi ah loo bilaabi doono bilowga sanadka 2026, taas oo meesha ka saaraysa cimriga gaaban ee wadooyinka Muqdisho oo roobabku burburin jireen.

โ€œBurburka laamiyada waxaa sababay daadka iyo laโ€™aanta biyo mareenada. Marka la sameeyo biyo-mareenno waara, daadku wuxuu si dabiici ah u qaadi doonaa biyaha, taas oo ka hortagaysa burburka iyo khasaarihii hore,โ€ ayuu yiri Wasiirka Howlaha Guud.

Ugu dambeyn, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in mashaariicdan ay qayb ka yihiin dadaallada Xukuumadda Dan-Qaran ee lagu xoojinayo adeegyada bulshada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo soo celinta bilicda dalka.

โ€œDowladdu waxay samaysay qorshe cad oo xalka waara ah, waxaana mashaariicda wadooyinka caasimadda keliya ku baxay ku dhowaad $1 bilyan. Tani waa bilow cusub oo rajada iyo riyooyinka shacabka Soomaaliyeed u beddelaya xaqiiqo la taaban karo,โ€ ayuu ku soo gabagabeeyay Wasiir Cilmi.

 

W/Q : Mohamed Abdikadir Silver

 

Previous Post

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

Next Post

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Next Post
Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Hayโ€™adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hayโ€™adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Suleymaan,...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

November 4, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee...

Raโ€™iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Raโ€™iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

November 4, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirkii ugu horreeyey ee hoggaamiyeyaasha...

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

November 3, 2025
0

Wasiirrada Gaashaandhigga, Cadaaladda iyo Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad uu Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Howlaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In