Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo cuskanaya qodobka 120-aad farqadiisa 2-aad iyo 3-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilalka isu kala weeydaariyay labo xubnood oo ka tirsan xukuumadda, waxayna kala yihiin.
1- Mudane Idiris Cismaan Xaaji Cali waxaa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada XJFS
2- Mudane Xuseen Cali Xaaji waxaa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XJFS.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa labadan mas’uul faray in ay xilka ula wareegaan si degdeg ah, islamarkaasna dardargaliyaan hawlaha qaran ee u yaala, kulana dardaarmay hufnaan iyo xil-gudasho.











