Thursday, February 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho heshiis taariikhi ah oo gaaraya $68.5 milyan kula saxiixatay Dowladda Mareykanka. Heshiiskan waxaa si rasmi ah qallinka ugu duugay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Egeh oo dhinac ah iyo Madaxa USAID ee Soomaaliya, Catie Lott.

Heshiiskani wuxuu diiradda saarayaa dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada iyada oo loo marayo iskaashi istiraatiiji ah. Heshiiska ayaa wax ka qaban doona arrimo muhiim ah sida kobcinta dhaqaalaha, dib-u-habaynta maamulka, caafimaadka, waxbarashada, iyo awood-siinta haweenka iyo dhalinyarada, isagoo taageeraya aragtida fog ee adkeysiga Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

February 19, 2026
Wasiirka  Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

February 19, 2026

โ€œHeshiiskani wuxuu ka turjumayaa iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, kuna saleysan himilada aan wadaagno ee ah Soomaaliya oo adkeysi leh, barwaaqo ah, oo loo dhan yahay,โ€ ayuu yiri Wasiir Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) intii lagu guda jiray xafladda saxiixa. โ€œDeeqdan waxaan ku xoojin doonaa waxbarashada, maamulka, iyo horumarinta dhaqaalaha, si loo hubiyo in dadkeena, gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada, ay helaan agabka iyo fursadaha ay ku horumari karaan.โ€

Deeqda maanta ee $68.5 milyan ayaa ballaarin doonta barnaamijyada Waxbarashada Aasaasiga ah ee la Dardargeliyay, iyadoo ay ka faaโ€™iideysan doonaan in ka badan 150,000 oo carruur Soomaaliyeed ah, lana dayactiri doono in ka badan 200 fasal, taas oo siin doonta 10,000 oo arday dheeraad ah fursad waxbarasho sanad walba. Sidoo kale, deeqdan waxay kor u qaadi doontaa awoodda dowladnimo, ka-qaybgalka bulshada, iyo abuurista fursado dhaqaale oo ay haweenka iyo dhalinyarada si gaar ah uga faaโ€™iideysan doonaan.

โ€œHeshiiskani wuxuu muujinayaa muhiimadda iskaashiga u dhexeeya Mareykanka iyo Soomaaliya, iyadoo xooga la saarayo dhisidda adkeysiga iyo xasilloonida, kobcinta dhaqaalaha, iyo horumarinta hoggaamiyeyaasha mustaqbalka โ€“ haweenka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed,โ€ ayay tiri Catie Lott, Madaxa USAID ee Soomaaliya, oo ka hadashay xafladda.

Heshiiskani wuxuu sii xoojinayaa ku dhawaad 18 sano oo Mareykanka uu taageero horumarineed siiyay Soomaaliya, taas oo kordhin doonta saameynta deeqdan ku leedahay dawladnimada, waxbarashada, iyo adkeysiga dhaqaalaha. Ujeeddada heshiiska ayaa ah in la abuuro xasillooni iyo horumar mustaqbalka fog oo laga helo bulshooyinka miyiga iyo magaalooyinka dalka oo dhan.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheikh oo furay Shirweynaha Caalamiga ah ee Maalgashiga Beeraha

Next Post

Guddoomiyaha golaha shacabka oo xafiiskiisa ku qaabbilay wakiilka UNOPS ee Soomaaliya

Next Post
Guddoomiyaha golaha shacabka oo xafiiskiisa ku qaabbilay wakiilka UNOPS ee Soomaaliya

Guddoomiyaha golaha shacabka oo xafiiskiisa ku qaabbilay wakiilka UNOPS ee Soomaaliya

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kulan miro-dhal ah la...

Wasiirka  Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc ballaaran oo cunto qeybin ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc ballaaran oo cunto qeybin ah

February 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Abdalla...

Taliyaha Ciidanka XDS oo qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka XDS oo qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

February 19, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In