Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin ururrada bangiyada, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Ururka Isgaarsiinta iyo haweenka ku jira ganacsiga.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sida ugu habboon ee ganacsiyada Soomaaliyeed loogu diyaarin karo ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), iyadoo la hubinayo in ganacsiyada gaarka loo leeyahay ay si buuxda uga mid noqdaan geeddi-socodka. Waxaa si qoto dheer looga wada hadlay tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu fududeynayo gelitaanka suuqyada gobolka, caqabadaha dhinaca sharciyeynta iyo maalgelinta, iyo dejinta siyaasad taageerta tartan-wanaagga iyo kobaca ganacsiga guud ahaan Bariga Afrika.
Dowladdu waxay mar kale adkeneysa sida ay uga go’an tahay wadatashi joogto ah iyo iskaashi dhow oo ay la yeelanayso ganacsatada, si xubinnimada EAC loogu beddelo fursado dhaqaale oo la taaban karo, kuwaas oo kor u qaada horumarka iyo koboca dhaqaalaha dalka.











