Wednesday, February 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

12-ka April waa xasuus Qaran oo ku weyn dadka & dalka (warbixin)

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
12-ka April waa xasuus Qaran oo ku weyn dadka & dalka (warbixin)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Umad kasta oo kamid ah bulshada ku dhaqan dunida waxay si gaar ah u leeyihiin  munaasabado iyo xaflado qiimo gal ah  oo lagu soo bandhigo taariikjda dhaxalka ah ee ay ka tageen dadka wadaniyiinta  ah iyo kuwa kale ee u soo halgamay midnimada iyo difaaca qaran kasta oo ka jira Caalamka.

12-ka April,waxa ay ka mid tahay maalmaha qaran ee loo dabbaaldego aasaaska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya,taasina waxa ay muujineysa in shacbiga iyo dowladda ay mar kasta diyaar u yihiin ka qeybqaadashda xusaska maalmaha qaran ee ku weyn dadka.

Related posts

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

February 10, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

February 10, 2026

Sanadkii 1960-kii ayeey aheyd markii la unkay dhismaha ciidamada xoogga dalka oo ah cududda koowaad ee laf-dhabarka u ah bulshada,waxaana xilligaan loo arkaa in ay yihiin kuwo lagu qanci karo qaabka ay u socdaan howlahooda iyo dadaalada kale ee ay kaga qeybgalayan horumarka dalka.

waa dhab ah in dhismaha ciidamada xoogga uu ahaa mid ku yimid dadaal miro-dhal ah ay wada lahaayeen bulshada iyo qaar ka mid ah  dalalka dameeya arimaha Soomaaliya,sida Maasar,Ruushka,Talyaaniga,Ciraaq iyo kuwo kale,kuwaas oo ka qeybgalay diyaarinta iyo qalabeynta ciidamo abaabulan oo wax ka qaban kara guud ahaan ammaanka Qaaradda Afrka,kan gobolka iyo gudaha dalka Soomaaliya.

Waxaa markhaati ma doonto ah sanadihii u dhexeeyey 1964- 1977-dii in Ciidamada xoogga dalka ay ahaayeen kuwo soo hooyay guullo taariikhi ah ka dib markii ay baadigoob u galeen soo celinta dhulalkii ka maqnaa dadka Soomaaliyeed,iyagoo kaashanaya dowladda iyo shacanka oo u howlgalay diyaarinta  ciidamo xoogam oo leh tiro iyo tayo,isla markaana lagu aamini karo dadka iyo dalka.

Dhowr iyo tobankii  sano ee u dambeeyay waxaa lagu guuleystay in dib loo uruuriyo ciidamada, isla markaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisyadii uu ka koobnaa ,iyadoo lagu kordhiyay  dhallinyaro  cusub oo dhiirri geliyay soo celinta amniga iyo kala dambeynta,ka dib kolkii dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka ay saameyn kooban ku yeesheen ciidamada.

Inkastoo xuska sanadguurada 60-aad ay ku soo beegantay xilli dalka ay ka jiraan la tacaalidda cudurada Cronavirus ee loogu magac daray covid 19,haddana waxqabadka ciidanka iyo xasuusta gaarka ah ee ay leeyihiin waa mid ku weyn qalbiyada dadka ,kuna qoran baalasha dahabiga ah ee taariikhda Soomaaliya.

Haddaba,iyadoo laga duulayo hakadka galay soo bandhigidda munaasabadda xuska 12-ka April ee sanadguurada 60-aad aawadeed,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Farmaajo iyo madaxda Gaashaandhigga waxay dhambaallo hambalyo ah hawada u mariyeen dhammaan saraakiisha,saraakiil xigeenada,alifleyda iyo dableyda iyo guud ahaan xaasaska ciidamada xoogga dalka meel kasta oo ay ka joogaan dalka.

Madaxdu,waxa ay ku ammaaneen  ciidamada dadaalka ay ugu jiraan soo celinta amniga iyo doorka ay ka qaateen horumarka bulshada iyagoo ballanqaaday in loo howlgalayo sidii loo tayeyn lahaa ciidamada isla markaana loogu heli lahaa agab ama qalab militery oo ay ku hawlgalaan iyo tababarro sare loogu qaadayo xirfaddoda shaqo si mustaqbalka dhow ay u hantaan ammaanka guud ee dalka.

Ciidamada Xoogga gabagabadii waxaa loogu baaqay in ay laba jibaaraan howlaha gurmadka ah ee ay u hayaan umadda,gaar ahaan soo celinta nabadgelyada dalka,iyadoo loo rajeeyay ciidamada  in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

Weey muuqataa in ay soo hagaageyso xaaladda dalka,sidaa daraadeed haddii la qaato tallooyinka iyo waajibaadyada shaqo ee la siiyo ama horyaalla ciidamada waxaa suurtagal ah in la helo xaalad nabadgelyo oo bulshada u horseeda horumar taam ah oo dhinacyo badan.

W/qoray Shire Xasan Kulmiye

Tags: 12-ka April waa xasuus qaran oo ku weyn dadka & dalka (warbixin)
Previous Post

Wasiir Bayle oo Hambayo u diray Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sanadguurada 60-aad

Next Post

Wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha Diinta XFS oo Culimada oo shaqeeynaya ka hortaga Cudurka Covid-19

Next Post
Wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha Diinta XFS oo Culimada oo shaqeeynaya ka hortaga Cudurka Covid-19

Wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha Diinta XFS oo Culimada oo shaqeeynaya ka hortaga Cudurka Covid-19

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

February 10, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

February 10, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa maanta booqday xarunta...

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubka 5-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubka 5-aad ee Dastuurka

February 10, 2026
0

Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir...

𝐌𝐢𝐧𝐢𝐬𝐭𝐞𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐬𝐚𝐥𝐚𝐦 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐀𝐥𝐢 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐯𝐞𝐬 𝐢𝐧 𝐀𝐝𝐝𝐢𝐬 𝐀𝐛𝐚𝐛𝐚 𝐟𝐨𝐫 𝐭𝐡𝐞 𝟑𝟗𝐭𝐡 𝐀𝐔 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭

𝐌𝐢𝐧𝐢𝐬𝐭𝐞𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐬𝐚𝐥𝐚𝐦 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐀𝐥𝐢 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐯𝐞𝐬 𝐢𝐧 𝐀𝐝𝐝𝐢𝐬 𝐀𝐛𝐚𝐛𝐚 𝐟𝐨𝐫 𝐭𝐡𝐞 𝟑𝟗𝐭𝐡 𝐀𝐔 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭

February 10, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Ali has arrived in Addis Ababa to participate in the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In