Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

12-ka April xuska maalinta qaran ee ciidanka Xoogga Dalka (warbixin).

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
12-ka April xuska maalinta qaran ee ciidanka Xoogga Dalka (warbixin).
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Umad kasta oo kamid ah bulshada ku dhaqan dunida waxay si gaar ah u leeyihiin Β munaasabado iyo xaflado qiimo gal ah Β oo lagu soo bandhigo taariikhda dhaxalka ah ee ay ka tageen dadka wadaniyiinta Β ah iyo kuwa kale ee u soo halgamay midnimada iyo difaaca qaran kasta oo ka jira Caalamka.

12-ka April,waxa ay ka mid tahay maalmaha qaran ee loo dabbaaldego aasaaska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya,taasina waxa ay muujineysa in shacbiga iyo dowladda ay mar kasta diyaar u yihiin ka qeybqaadashda xusaska maalmaha qaran ee ku weyn dadka.

Related posts

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
π–π€π’πˆπˆπ‘πŠπ€ 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-πƒπ‡πˆπ†π€π˜ πŒπ€π’π‡π‘π”π”π‚ π‡πŽπ‘UπŒπ€π‘πˆππ„π„πƒΒ 

π–π€π’πˆπˆπ‘πŠπ€ 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-πƒπ‡πˆπ†π€π˜ πŒπ€π’π‡π‘π”π”π‚ π‡πŽπ‘UπŒπ€π‘πˆππ„π„πƒΒ 

July 13, 2026

Aasaaskii ciidanka Xoogga

Sanadkii 1960-kii,gaar ahaan 12-kii April ayeey aheyd markii la unkay ciidamada xoogga dalka oo ah cududda koowaad ee laf-dhabarka u ah dowladnimada,isla markaana ka qeybqaadan kara ammaanka guud ee Qaaradda,kan gobolka iyo gudaha dalka Soomaaliya.

Dhismaha Hoggaanada Ciidanka

Waa dhab ah in dhismaha ciidamada xoogga uu ahaa mid ku yimid dadaal miro-dhal ah oo ay wada lahaayeen bulshada ka dib kolkii la dareemay baahida weyn ee loo qabo waajibaadyada shaqo iyo howlaha qaran ee horyaalla ciidamada,sida 1-ilaalinta xuduudaha dalka,2-difaaca dadka iyo dalka,3-la-dagaallanka argagixisada iyo ka qeybqaadashada howlaha lagu sugayo amniga guud ee gudaha dalka.

ka dib kolkii loo howlgalay kordhinta tayada iyo aqoonta ciidamada xoogga waxaa lagu guuleystay in la sameeyo hogaanno badan oo ka qeybqaata socodsiinta howlaha ciidamada,waxayna kala yihiin hoggaanadaasi:-

1-Hoggaanka Β Β Maaliyadda.2-Hoggaanka Β Β Saadka.3-Hoggaanka Β Β Tababarada.4-Hoggaanka Β Β Dab damiska..5-Hoggaanka Β Β Caafimaadka ,6-Hoggaanka Β Β Isgaarsiinta.7-Hoggaanka Β Β Dhismaha.8-Hoggaanka Β Β Gaadiidka.9-Hoggaanka Β Β Nabad-sugidda.10-Hoggaanka Β Ciidanka,11- Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha.12- Hoggaanka barista dembiyada.13-Hoggaanka Β Ilaalinta waddooyinka.14-Hoggaanka Β Dib u dhiska ciidanka.

Waxaa markhaati ma doonto ah sanadihii u dhexeeyey 1964- 1977-dii in Ciidamada xoogga dalka ay ahaayeen kuwo soo hooyay guullo taariikhi ah ka dib markii ay baadigoob u galeen soo celinta dhulalkii ka maqnaa dadka Soomaaliyeed,iyagoo kaashanaya dowladda iyo shacanka oo ka qeybgalay diyaarinta Β ciidamo xoogan oo leh tiro iyo tayo,isla markaana lagu aamini karo dadka iyo dalka.

Xilligii burburka & soo kabashada

Inkastoo dagaaladii sokeeyey ee ka dhacay dalka sanadkii 1991-dii ay saameyn ku yeesheen dhismaha qeybaha ciidamada,haddana,waxaa labaatankii sano ee u dambeeyay lagu najaxay in dib loo uruuriyo ciidamada, isla markaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisyadii uu ka koobnaa ,iyadoo lagu kordhiyay Β dhallinyaro Β cusub oo dhiirri geliyay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

Marka loo eego qaabka ciidamada ay u fuliyaan howlaha kala duwan ee horyaalla iyo sida ay u socdaan dadaalada kale ee ay kaga qeybgalaan horumarka dalka,waxaa xaqiiqo ah in ay yihiin kuwo leh maamuus qaran iyo xasuus gaar ah oo ku qoran qalbiyada iyo baalasha dahabiga ah ee taariikhda Soomaaliya,

waxa haboon in xilligaan adage e la marayo loo howlgalo sidii loo tayeyn lahaa ciidamada, isla markaana loogu heli lahaa agab ama qalab mileteri oo ay ku hawl galaan iyo sidoo kale in la siiyo tababarro sare loogu qaadayo xirfaddoda shaqo si mustaqbalka dhow ay u hantaan difaaca iyo ammaanka guud ee dalka.

Xuska sanadguurada 61-aad ayaa ku soo beegmay xilli dalka ay ka jiraan la tacaalidda cudurka Cronavirus ee loogu magac daray covid 19,sidaa daraadeed,iyadoo la weyneynayo munaasabadda 12-ka April,shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalkaba waxay dhambaallo hambalyo ah hawada u mariyeen dhammaan saraakiisha,saraakiil xigeenada,alifleyda iyo dableyda iyo guud ahaan xaasaska ciidamada xoogga dalka meel kasta oo ay ka joogaan dalka.

Ciidamada Xoogga waxaa marxaladdaan adage e lagu jiro la gudboon in ay la yimaadaan niyad bir ah iyo karti lagu wajaho howlaha qaran ee ay u hayaan umadda Soomaaliyeed oo xilligaan sugaya ama ay u muuqdaan mustaqbal wanaagsan.

Ugu dambeyntii Ciidanka Xoogga waxaan u rajeeyneynaa in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

Previous Post

Wasaaradda Waxbarashada maamul-goboleedka Puntland oo sooratay go’aamo lagu xakamaynayo Cudurka COVID19

Next Post

General Odowaa oo hambalyo udiray ciidanka xoogga dalka

Next Post
General Odowaa oo hambalyo udiray ciidanka xoogga dalka

General Odowaa oo hambalyo udiray ciidanka xoogga dalka

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska Leyli Saraakiisha iyo Leyli saraakiil Xigeennada...

π–π€π’πˆπˆπ‘πŠπ€ 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-πƒπ‡πˆπ†π€π˜ πŒπ€π’π‡π‘π”π”π‚ π‡πŽπ‘UπŒπ€π‘πˆππ„π„πƒΒ 

π–π€π’πˆπˆπ‘πŠπ€ 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-πƒπ‡πˆπ†π€π˜ πŒπ€π’π‡π‘π”π”π‚ π‡πŽπ‘UπŒπ€π‘πˆππ„π„πƒΒ 

July 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuc...

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka TΓΌrkiga ee Soomaaliya

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka TΓΌrkiga ee Soomaaliya

July 13, 2026
0

La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta ku qaabilay Xafiiska Amniga Qaranka Danjiraha Turkiga...

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

July 13, 2026
0

H.E. Adam Isak Ali, Ambassador of the Federal Republic of Somalia to the Republic of South Africa signed the Book...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In