Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

21-ka November Maalinta Macalinka Soomaaliyeed

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
21-ka November Maalinta Macalinka Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

 21-ka Novembar waa maalin ku wayn umada Soomaaliyeed, waxayna ku asteesantahay maalinta Macalinka Soomaaliyeed oo dalka iyo meel ay Soomaali joogtaba laga xuso.

1974-tii bishii November 21-keeda ayaa loo aqoonsaday maalinta macalinka waxaana shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdii Millateriga ahayd ay si wadajir ah u muujin jireen muhiimadda maalintan oo kale.

Waa maalin ka mid ah maalmaha ku wayn Qaranka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasixaa dugsiyada iyo dhamaan Goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallinka.

Macalin Abuuker Shuute Xuseen oo ka mid ah macalimiinta wax ka dhiga mid ka mid ah Dugsiyada ku yaala magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Macalinka uu muhiimad gaara u leeyahay bulshada uu la nool yahay, maantana ay tahay Maalin weyn oo loo baahan yahay in si weyn loogu dabaal dago si Macalimiinta ugu dhiiradaan inay sii wadaan Kobcinta waxbarashada dalka.

Abuuker Shuute Xuseen ayaa sheegay in Macalimiinta Soomaaliyeed ay u dulqaateen mudo dhowr iyo labaatan sano ah uu dalka burbursanaa iyagoona kusoo shaqeeyay waqtiyo adag, hadii dalka intii burburka uu ku jiray macalimiinta Soomaaliyeed aysan ku dhiiri laheyn inay ardayda Soomaaliyeed wax baraan waxaa Qatar gali lahaa mustaqbalka umadda soomaaliyeeed hormarka maanta dalka ka jira lama gaari laheyn.

Marka la eego dunida Casriga ah, waxaa isku xiray oo isku soo dhoweeyay dhamaan Ummaddaha dunida waxbarashada, waana taas mida ay u taaganyihiin Macalimiinta Soomaaliyeed.

Macalinku waa baraha iyo hagaha Ummadeed ee ka saara jahliga iyo si xun u fikirka. Macalimiintu waa kuwa gudbiya ama ku faafiya waxbarashada adduunka oo dhan.

Tan iyo inta taariikhda la xuso waxa jirey markasta macalimiin iyo dad aqoon leh oo Bulshada kala dagaalama dib u dhaca isla markaasina wax bara.

Macalinku wuxuu xushmad iyo karaamo ku dhex leeyahay bulshadiisa maadaama uu soo saarayo ubaxa iyo aayaha bulshadiisaas, waa tusayalayaal fiican iyo dad ku dayasho leh ama lagu faano oo bulsho kastaa leedahay.

Diinta islaamkuna waxay gaarsiisay macalimiinta martabad aad u saraysa oo maamuus iyo qadarin ah.

Previous Post

Miisaaniyaddu waa muraayadda laga daawado waxqabadka dowladda.

Next Post

Madaxweyne Farmaajo iyo Sh. Maxamed Bin Zayed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta

Next Post
Madaxweyne Farmaajo iyo Sh. Maxamed Bin Zayed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta

Madaxweyne Farmaajo iyo Sh. Maxamed Bin Zayed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In