Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

26ka juun “ Kaana siib Kanna Saar”.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
26ka juun “ Kaana siib Kanna Saar”.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

26-ka Juun waa maalin taariikh wayn ku leh Ummada Soomaaliyeed, islamarkaana u daabacan niyadda shacabkaku abuurtay dareen farxadeed oo xusid mudan, taasi oo qiimahaasi ku mutaysatay in ay tahay sida markii ugu horreysay laga dul qotomoyo  calan Soomaaliyeed oo xor ah.

Halgamayaashii u soo kifaaxay hanashada xoriyadda, gaar ahaan gobalada waqooyi halkan laguma soo koobi karo, waxay isugu jireen qaar  halgan qaraar la galay Saancadaalihii gumaysiga oo muddo badan socday, waxaana ka mid ah Sayid Max’ed Cabdulle xasan, Shiikh Bashiir, Xaaji Faarax oomaar iyo  Xisbiyadii S.N.L IYO USP, dhanka kale waxaa kaalin tiir dhexaad ah ka qaatay halgankaas Abwaanada kala ah Maxamed Ismaaciil Maxamuud (Barkhadcas) iyo Abwaan Timacadde.

Related posts

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

July 13, 2026

Cabdillaahi Suldaan Maxamed oo ku caan-baxay (Timacadde),wuxuu ku dhashay duleedka magaalada Gabilleey ee gobollada waqooyi ee Soomaaliya, sanadkii 1920kii,C/laahi Suldaan hooyadii waxaa la oran jiray Xabiiba Seed Guuleed wuxuuna ahaa Madi ka dhashay qoys beeralay ah.

Abwaan Tmacadde dhalinyaranimadiisii wuxuu ku noolaa dalka Itoobiya gaar ahaan magaalooyinka Harar iyo Diridhabe, kadibna wuxuu u sii gudbay magaalada Jabuuti halkaasi oo uu in muddo ah degenaa

1938 ilaa 1949 Marxuum Timacadde wuxuu isaga dhex socdaali jiray magaalooyinka Diridhabe iyo Jabuuti halkaasi oo ay dad ay qaraabo ahaayeen degenaayeen

C/llaahi Suldaan markii uu ku soo guryo noqday dalka bartamihii kontameeyadii,wuxuu ka qaybgalay halgankii gobanimadoonka ee ka hanaqaaday gudaha, wuxuuna markiiba ku biiray ururkii SNL oo ay xaruntiisu ahayd magaalada Hargeysa, isagoo kulamada xisbiga ka jeedin jiray gabayadiisii taariikhda galay.

Halgamaa Timacadde wuxuu ku geeriyooday deegaanka Kala baydh Bishii February 6/2/1973dii, waxaana lagu aasay degmada Gebilay oo ka mid ah gobollada waqooyi ee dalka.

26kii Juun 1960kii waa habeenkii guusha iyo markii ugu horaysay ee calan xor ah laga taago ciidda Soomaaliya, Munaasabaddii dabbaaldegga gobanimada ee ka dhacday beerta Xoriyadda magaalada Hargaysa wuxuu halkaasi ka mariyay gabay ku qormay quluubta umadda Soomaaliyeed ee ahaa Kaana siib Kanna saar ka mariyay Abwaan C/llaahi Suldaan Timacadde,

                               Kaana siib, kanna saar

             Ka, sideetan Sabaane              Calankaannu sugaynay’
             Sahankiisa ahaynow                Sermawaydo hilaacdayo
            Sagal maanta daroorayoo         Siigadii nagamaydhayoo                                          Saqdhaxaanu ahayne                kii soo saaray cadceedoow
            Samada kii u ekaaye                 Xidigtana la siiyayow
            Saaxirkii Kala guuraye              Sareeyow ma nusqaamoo
            aan siduu yahay eego’e             Kaana siib Kanna Saar

Saqdii dhexe habeennimadii 26ka juun, guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed waxay daremayeen neecaawda xornimada ee ka curatay dhulkii Soomaaliyeed ee isticmaarku kala qaybiyay waxaana bulshada Soomaaliyeed ee ku nool goballada waqooyi muujiyeen dareen wadaniyadeed oo heerkiisu sareeyo, dabbaaldegga iyo damaashaadka ka dhacay beerta Xoriyadda hargeysana wuxuu ahaa mid aan shucuurtiisa lagu       qiyaasi Karin qormo kooban.

Waxaa marag ma doonta ah in Murtidii iyo hal abuurkii abwaanada Soomaaliyeed ku maamuuseen gobollada waqooyi, iyo midawgii labada gobol ay inteeda badan ka soo maaxatay maskaxdii hal abuuradii Soomaaliyeed ee intooda badan ka soo jeeday gobolada waqooyi.

Halyeeyadii Abwaanada ahaa ee maskaxdooda u shiilay in ay shacbiga Soomaaliyeed dareensiiyaan qiimaha xoriyadda waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee Abwaanada kala C/llaahi Qarshe, Xuseen ow faarax dibbad, C/llahi Suldaan Tima-Cadde Cali Sugulle, iyo Abwaan Axmed Suleymaan Bidde, Fanaaniintii Codka macaaneed ee ku luuqaysay heesihii dabbaaldeegga ee qiirada lahaa waxaa ka mid ahaa Max’ed Sulaymaan, Max’ed Axmed Kuluc iyo kuwa kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin.

Allaha u naxariistee Abwaan C/llahi Suldaan Tima-Cadde oo lagu timaami karo inuu ka mid ahaa Hal dooradii quluubta Soomaaliyeed kaga tagay suugaanta wadaniga ah ee aan duugoobayn.

Sanad guurada 59aad 26ka juun eek u began curashada Calanka Soomaaliyeed waxay shacbiga soomaaliyeed ka baran karaan cashar ku saabsan sidii lagu keenay Calanka iyo siday lagama maarmaanka u tahay in loo adkeeyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, loona xaliyo wixii tabasho ah ee jira.

Previous Post

Xukuumadda Soomaaliya oo ku guuleysatay in la qaado Xayiraaddii saarneyd Xoolaha Soomaaliya Ee loo dhoofiyo Sacuudiga.

Next Post

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda iyo Qorsheynta ee BJFS “Sawirro”

Next Post
Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda iyo Qorsheynta ee BJFS “Sawirro”

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda iyo Qorsheynta ee BJFS “Sawirro”

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska Leyli Saraakiisha iyo Leyli saraakiil Xigeennada...

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

July 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuc...

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka Türkiga ee Soomaaliya

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka Türkiga ee Soomaaliya

July 13, 2026
0

La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta ku qaabilay Xafiiska Amniga Qaranka Danjiraha Turkiga...

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

July 13, 2026
0

H.E. Adam Isak Ali, Ambassador of the Federal Republic of Somalia to the Republic of South Africa signed the Book...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In