Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

33 maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay nawaaxiga Xarardheere

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Horjooge ka tirsanaa Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dagaalo shalay ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kaasi oo u dhexeeyay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab iyo dadka deegaanka.

Wararka ka imaanaya tuulada Ari-cadde ayaa sheegaya in 25 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab lagu dilay deegaankaas, kaasi oo ka dambeeyay markii ay isku dayeen inay dadka ka qaadaan lacago baad ah oo ay ku sheegeen mid sako ah.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

Warka ayaa intaa ku daraya in dadka deegaanka uu weerarkasi uga dhaawacmay hal qof, waxaana ay ku guuleysteen inay kala eryaan maleeshiyaadka Al-Shabaab ee duulaanka soo qaaday.

Sidoo kale deegaanka Ceel-huur ee hoostaga degmada Xarardheere, oo isna dagaal kan la mid ah ka dhacay oo u dhexeeyay Al-Shabaab iyo dadka deegaanka ayaa lagu dilay 8 ka tirsan Al-Shabaab, taasi oo wadarta guud ee Shabaabka la dilay ay noqoneyso 33 Al-Shabaab.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee gobolka Galgaduud Maxamuud Cabdi Diirshe ayaa ku soo waramaya in dowlad goboleedka Galmudug ay iminka diyaarineyso ciidamo gurmad ah oo ka qeyb qaata dagaallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ka soconaya deegaanno hoostaga degmada Xarardheere.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Taliska nabadgelyada waddooyinka oo laga hirgelinayo dhismo cusub “SAWIRRO”

Next Post
Taliska nabadgelyada waddooyinka oo laga hirgelinayo dhismo cusub “SAWIRRO”

Taliska nabadgelyada waddooyinka oo laga hirgelinayo dhismo cusub “SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In