Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa booqasho duco ah ku tegay Qabriga Alle Ha’unaxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Afhayeenka Dowladda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani ayaa ka warbixyey booqashada Madaxweynaha uu ku tegey Qabriga naxariistii Jano Alle hasiyee Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
“Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu booqday Qabriga Alle Ha’unaxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahaana Madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland Cabdullaahi Yuusuf Axmed, halkaas oo ay Madaxweynaha iyo masuuliyiinta ku wehelinayey socdaalkiisa ay u duceeyeen in Alle Janadii Fardowso ka waraabiyo, denbigiisana dhaafo, acmashiisii wanaagsanayd uu uga tegey dalkiisana ku abaal mariyo” Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jama Dabaraani.