Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Qaxootiga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Qaxootiga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa Maanta shir guddoomisay Kalfadhiga 3-aad kulankiisa 3-aad oo uu wahlinayo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow waxaana soo xaadiray 147 Xildhibaan.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026

1.Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangeliyo-doonka.

2.Akhrinya 1aad ee Hindise Sharciyeedka Kaalmo  Sharciyeedka Federaalka.

Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa mudanayaasha ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangeliyo-doonka, isigoo u sheegay in hindise Sharciyeedkaan uu Dalka muhiim u yahay, loona baahanyahay Xildhibaannada in ay Ahmiyad gaar ah siyaaan.

Intaasi kadib Xildhibaannada ayaa dood adag ka yeeshay Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangeliyo-doonka. Iyagoo Su’aallo ka weeydiiyay Wasiirka qodobo ka mid ah Hindise Sharciyeedka uu hor keenay, waxaana Xildhibaannada ay su’aalahooda iyo doododa u badneeyd toosin iyo talo soo jeedin ku saabsan Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangeliyo-doonka.

Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo soo xirtay kulanka maanta ayaa fartay ku-simaha Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Ahna xoghaye ku-xigeenka Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciyow in uu kuwareejiyo Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga ee Golaha Shacabka BJFS si ay talooyinka Xildhibaannada iyo turxaan bixintooda ay ugu soo biiriyaan si markale Xildhibaannada Akhrinta labaad dood ugu yeeshan.

Previous Post

Shirka Wasiirada Maaliyadda DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo la soo gabagabeeyay (Warmurtiyeed)

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay Ergey ka socda Madaxweynaha Uganda

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay Ergey ka socda Madaxweynaha Uganda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay Ergey ka socda Madaxweynaha Uganda

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo horey ugu dhuumaaleysanayeen...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta gudaha...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedisay shirka Haweenka Adduunka ee ka socda magaalada New...

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In