Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan oo sagootiyay ciidamo si gaar ah u tababaran

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan oo sagootiyay ciidamo si gaar ah u tababaran
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta sagootiyay Cutubyo ka tirsan Ciidamada muuqda/ hubaysan ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), kuwaasi oo si gaar ah loo siiyey tababarro sare oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Ciidamadan oo la baray Taqasusyo gaar ah oo la xariira weerarada qorsheysan, ayna tababareen khubaro ka socotay dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah ugu biiri doona howlgallada dalka ka socda ee lagu ciribtiraayo kooxaha Khawaarijta ah, isla markaana lagu xaqiijinayo amniga, kala dambaynta iyo xasilloonida dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Ciidamadani ay wax badan ka tari doonaan burburinta godadka ay ku dhuumaaleysanayaan Horjoogeyaasha iyo Malleeshiyaadka Argagixisada, maadama la siiyey tababarro adag, waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Ciidamada Qaranka ee dagaalka kula jira Kooxaha Khawaarijta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Amniga, isaga oo ku dhiiri galiyay Ciidamada tababarka dhammeystay ka dhabaynta dhaartii ay mareen iyo go’aanka dhaxal galka ah ee ay qaateen ee difaaca dalkooda.

Previous Post

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo khudbad ka jeediyay meertada 6-aad ee Shirka Madal-goboleedka Carabta

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo khudbad ka jeediyay meertada 6-aad ee Shirka Madal-goboleedka Carabta

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo khudbad ka jeediyay meertada 6-aad ee Shirka Madal-goboleedka Carabta

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In