Sunday, August 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka arrimaha gudaha: Waxaan aamminsannahay inaan wada hadli karno Soomaaliland

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha gudaha: Waxaan aamminsannahay inaan wada hadli karno Soomaaliland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka go’an tahay xukuumadda in la sii wado wadahadallada ay kula jirto Soomaaliland si heshiis looga gaaro tabashada jirta.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odowaa” oo  ka qeyb galayay barnaamijka kulanka toddobaadka ee ka baxa Radiyo Muqdisho ayuu sheegay in xalku uu ku jiro in la wada hadlo. “Wada hadalku mar walba waa jidka kaliya ee u furan umadda Soomaaliyeed….. Waxaan aamminsannahay inaad wada hadli karno, hal Soomaaliya ayaa jirta laakin waan kala aragti duwannahay”

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

August 23, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

August 23, 2026

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay aamminsan tahay in la wada hadli karo, sidaas adarteedna aan loo baahnayn in cid kale ay dhexdhexaadiso dowladda federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

“Inaan wada hadalno ayaanba diyaar u nahaye dadka kale maxaa looga baahan yahay?  Su’aashaas waxay u baahan tahay jawaab. Wadahadalka marka aad diiddo ayaa waxaa la yiraahdaa qofka gogosha halla soo galiyo…… aan wada hadalno, waan ku heshiin karnaa waxa naga dhaxeeyo” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa ku kala tagay wada hadalkii ugu dambeeyay ee ku dhex maray Istnbuul bishoo Feberaayo, kaddib markii ay Soomaaliland ku doodday in wafdiga dowladda Soomaaliya laga saaro xubno ka soo jeeda gobollada woqooyi, dowladda Soomaaliya dooddaas waxay ku tilmaantay mid aan la aqbali karin.

Previous Post

DEG DEG: Ciidammada ammaanka oo la wareegay amniga Hotelka Maka Al-Mukarama

Next Post

Dhagayso Warka Subaxnimo 28.03.2015

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhagayso Warka Subaxnimo 28.03.2015

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta xaflad sagootin ah loogu sameeyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta, oo tababar...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire...

Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho

Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC), Sarreeye Gaas Maxamed bin Saciid Al-Moghidi, iyo Agaasimaha...

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Laba ka tirsan ciidamada Macawisleyda deegaanka Wargaadhi, ayaa21-ka Agoosto 2026 deegaanka Tawakal oo qiyaastii shan kiiloomitir u jira Cali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In