Thursday, October 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha dibadda oo ka tacsiyadeysay geerida Marxuum Yuusuf (Bari-Bari)

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha dibadda oo ka tacsiyadeysay geerida Marxuum Yuusuf (Bari-Bari)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, March 28, 2015- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Dr. Cabdisalaan Hadliye Cumar, Wasiir kuxigeen-ka Axmed Cali Maxamed “Kadiye”, Wasiiru dowlaha Khaalid Cumar Cali, Siihayaha Xoghayaha Joogtada Dahabo Cumar Maxamed, Agaasimayeyaasha Waaxyaha , Lataliyeyaasha , Safiirada, Qunsulada guud iyo Dhammaan howlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa waxa ay ka tacsiyadeeyeen ehellada, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed geeridii ku timid Allah u naxariistee Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari-Bari) oo ahaa Ergeyga Joogtada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Xarunta Qaramada Midoobey ee Geneva , ahaana Uqeybsanihii Ururada Caalamiga ee Xaruntoodu tahay dalka Switzerland.

Danjire Yusuf Mohamed Ismail (Bari-Bari) , waxa uu ku geeriyooday 27 –kii bishan March 2015 Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, gaar ahaan dhaawac ka soo gaaray weerarkii shalay lagu qaaday Hotel Maka Al-mukarama.

Related posts

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay hormarinta xariirka diblomaasiyadeed ee labada Dal.

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay hormarinta xariirka diblomaasiyadeed ee labada Dal.

October 16, 2025
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay xubnaha Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay xubnaha Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka EAC

October 16, 2025

Marxuum Yuusuf Maxamed Ismaaciil ( Bari- Bari) ayaa si rasmi ah ugu soo biiray howlaha diblomaasiyadda sanadkii 2007 xilligaasi oo loo magacaabay xilka Egey joogto.

Marxuumka , oo lagu yiqiinay halkudhigga ah ( My beloved Country) dalkeyga aan Jeclahay xilliga uu ka khudbeeyo Shirarka caalamiga , ayaa ahaa wadani , ku faani jiray dal jaceylkiisa , wuxuu u doodi jiray dadka laga tira badan yahay , wuxuu soo bandhigi jiray xadgudubyada ka dhanka ah Xuquuqul insaanka ee ka dhacay qaar ka mid ah wadamada caalamka , taasoo guulo la taaban karo uu ka soo hoyay , si gaar ah dadka la faquuqo ee loo yaqaan “ Albinism” oo Soomaaliduna u taqaan magaca “gudoodow ama Barasle”, iyadoo golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey ay si aqlabiyad ah ay ugu codeeyeen soojeedintiisa in la dhowro xuquuqda dadkaasi , loona aqoonsado 13 June maalinta u gaarka ah dadkaasi ( International Albinism Awareness Day).

Marxuum Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari- Bari) oo ifka kaga tagay xaas iyo carruur, ayaa heerarkiisa kala duwan ee aqoontiisa waxbarasho ku kala qaatay Magaalooyinka Muqdisho iyo Rome .

Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo- Aamiin.

 

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga oo booqdey Jamacadaha ku yaalo Ankara

Next Post
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga oo booqdey Jamacadaha ku yaalo Ankara

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga oo booqdey Jamacadaha ku yaalo Ankara

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay hormarinta xariirka diblomaasiyadeed ee labada Dal.

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay hormarinta xariirka diblomaasiyadeed ee labada Dal.

October 16, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamse Aadan Xaadoow iyo dhiggiisa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay xubnaha Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay xubnaha Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka EAC

October 16, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Xildhibaanadda Soomaaliya...

Madaxweynaha JFS shir guddoomiyay kulanka golaha Wasiirrada.

October 16, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda...

Wasaaradda Qorshaynta oo Wadatashi Istiraatiijiyadeed la yeelatay Hay’adda WFP ee 2026–2030

Wasaaradda Qorshaynta oo Wadatashi Istiraatiijiyadeed la yeelatay Hay’adda WFP ee 2026–2030

October 16, 2025
0

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah la yeelatay Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP),...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In