Wednesday, August 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marxuum Yuusuf Bari Bari oo lagu aasay Garoowe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 29, 2015
in Wararka
0
Marxuum Yuusuf Bari Bari oo lagu aasay Garoowe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Allaha u naxariistee Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa maanta gelinkii dambe lagu aasay magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal, hakaasi oo ay ka qeyb galeen wafdi ka socday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo madaxda Dowlad goboleedka Puntland.

Sidoo kale aaska marxuumka waxaa ka qeyb galay isimo, waxgarad, aqoonyahanno, ehelada Marxuumak iyo mas’uuliyiin kale, oo horey ugu sugnaa magaalada Garoowe, iyadoo markii meydka laga dejiyay garoonka diyaaradaha ee Garoowe halkaasi lagula tukaday Salaaddii Janaasada.

Related posts

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

August 6, 2025
Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

August 6, 2025

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa alle uga baryey marxuumka in janadii fardowsa uu ka waraabiyo, kitaabkiisana uu gacanta midig uga dhiibo, samir iyo iimaan buuxana Alle uu ka siiyo dhammaan Umnadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland, ehelkiisi iyo asxaabtii uu ka baxay.

”Yuusuf waxaa uu ahaa Danjire qaran, waxa uu ahaa howlkar, waxa uu ahaa nin daacad u ah Soomaaliya,  jecel Soomaaliya in ay isbadasho jecel Soomaaliya in ay meel fiican gaarto, wakhtigiisa inta badan howshaa qaran ayuu ku biyey, waxyaabaha runtii uu caanka ku ahaa oo dadka Soomaaliyeed aysan ogayn oo isaguna mar walba ku dadaali jiray waxa ay ahayd ilaalinta xaquuqul insaanka” ayuu yiri Dr Gaas.

Mudane Cabdiweli Gaas ayaa ku baaqay in muhiim tahay in meel looga soo wadajeesto cadowga dilaya bulshada kuwooda waxgalka leh ee caadaystay daadinta dhiiga Ummadda Soomaaliyeed.

Khaalid Cumar Cali Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda oo ka mid ahaa wafdiga ka socday dowladda ee aaska ka qeyb galay aya sheegey in Marxuumka uu qeyb lixaad leh ka qaatay arrimaha xuquuqda aadaha, isla markaana uu ku guuleystay in Soomaaliya ay saxiixdo heshiiska caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

IMG_2725 IMG_2728 IMG_2737 IMG_2740 IMG_2741 IMG_2746 IMG_2765 IMG_2770 IMG_2790 IMG_2796 IMG_2801  IMG_2811 IMG_2832  IMG_2850 IMG_2853 IMG_2855 IMG_2857 IMG_2858 IMG_2863 IMG_2867 IMG_2871 IMG_2874 IMG_2879 IMG_2886 IMG_2892 IMG_2894 IMG_2900 IMG_2901 IMG_2908 IMG_2910 IMG_2911

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Wafdi uu hoggaaminayay oo dib ugu soo laabtay Dalka “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

August 6, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey wada shaqeynta iyo sare u qaadista sumcadda...

Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

August 6, 2025
0

Maalmihii la soo dhaafay waxay dagaallo adag ka socdeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, waxayna Ciidanka Xoogga Dalka iyo...

Shirka arrimaha bani’aadannimada Soomaaliya oo laga furay magaalada Baydhabo

Shirka arrimaha bani’aadannimada Soomaaliya oo laga furay magaalada Baydhabo

August 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ahna Ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Cali Saciid Fiqi, ayaa magaalada Baydhabo oo ah xarunta...

Garaad Jaamac oo ka hadlay doorka haweenka ee dhismaha Maamulka Waqooyi Bari  

Garaad Jaamac oo ka hadlay doorka haweenka ee dhismaha Maamulka Waqooyi Bari  

August 6, 2025
0

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa sheegay in halgankii ay dadka deegaanku galeen ay haweenku ka qaateen door muuqda oo muhiim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In