Hay’adda UNHCR ayaa jawaab ka bixisay hadalkii ka soo yeeray Madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto oo ahaa in Qaxootiga Soomaalida ee xeryaha Dhadhaab ku sugan dib loogu soo celiyo dalkooda.
Afhayeenka guud ee hay’adda UNHCR ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ku xadgudbeysa xuquuqda Qaxootiga iyo qawaaniinta caalamiga ah ee dhanka qaxootiga, waxaana uu Madaxda Kenya ka dalbaday inay ilaaliyaan heshiiskii saddex geesoodka ahaa ay kal hore kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Wakiilada ka socday hay’adda UNHCR.