Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Caqabadaha Waxbarasho ee dalka iyo sida looga gudbi karo oo laga hadlay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Caqabadaha Waxbarasho ee dalka iyo sida looga gudbi karo oo laga hadlay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan lagu soo bandhigayay daraasad laga sameeyay caqabadaha waxbarasho ee ka jira dalka Soomaaliya iyo sida lagu xalin karo oo uu soo qaban qaabiyay Machadka Heritage ee daraasaadka Siyaasadda ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Wasiirka ku-xigeenka Waxbarashada, Agaasimaha guud, mas’uuliyiinta Machadka Heritage , ,siyaasiyiin, aqoonyahano, bahda waxbarashada, culimaa’udiin, ururrada bulshada rayidka ah iyo arday.

Kulanka ayaa waxaa ugu horeyn lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan daraasadda uu waxbarashada Soomaaliya ka sameeyay C/llaahi Sheekh Xuseen oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed, taasoo ka hadleysay dhowr arrimood oo ku saabsan xaaladda waxbarashada Soomaaliya, gaar ahaan caqabadaha hadda jira iyo sida wax looga qaban karo oo ay ugu weyn tahay in la helo siyaasad dhab ah oo waxbarashada dalka ku saabsan.

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

Ka soo qeyb galayaasha oo qeybo kala duwan isugu jiray ayaa waxa ay talooyin ka dhiibanayeen sida daraasadan loo sameeyay iyo qeybaha ay ka koobantahay, waxaana waxyaabaha ka qeyb galayaashu ay ka hadlayeen ka mid ahaa dhibaatooyinka dhinaca manaahijta waxbrashao ee dalka, luuqadaha ardayda Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku sugan ay wax ku bartaan, tayada maclimiinta iyo in ay helaan tababarro xirfadooda kor loogu qaado, in miisaaniyad gaar ah waxbarashada loo helo, imtixaan mideysan in la helo iyo Wasaaradda ay goobaha waxbarashada ku ilaaliso in macalimiintu ay helaan tababarro aqoon kororsi, waxaana talooyinka oo mararka qaar ay su’aalo la socdeen jawaabo ka bixinayay wasiirka waxbarashada.

Kulanka oo qaatay wax ku dhow laba saacadood ayaa waxaa geba gabediisa warbaahinta Qaranka la hadlay C/rashiid Khaliif Xaashi oo ah agaasimaha Machadka Heritage ee daraasaadka siyaasadda

“Warbixinta aad aragteen waxaan diiradda ku saarnay Waxbarashada dalka, caqabadaha aan aragnay waxaa ka mid ah in dalka uusan ka jirin Manhaj mideysan, loona baahanyahay in arrintaasi wax laga qabto iyo in luuqadaha ardayda wax lagu barayo ay caqabad ka jirto” ayuu yiri Cabdirashiid.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Qadro Bashiir Cali oo u mahadcelisay machadka Heritage oo kulankan soo qaban qaabiyay ayaa sheegtay in ay wada tashi la sameyn doonto bahda waxbarashada ,in la dejiyo sharciga waxbarashada dalka iyo siyaasad waxbarasho oo degan.

“Waxaan diyaarineynaa sharciga waxbarashada dalka oo aan rabno in aan u gudbino golaha Wasiirada, marka la meel mariyana aan hordhigno golaha baarlamaanka, idinkuna waxaa la idinka rabaa in aad taladiina ku soo biirisaan diyaarinta siyaasadda waxbarashada ee dalka” ayay tiri Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????  ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

 

???????????????????????????????

Sawir Qaade:- Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Feereysane)

Previous Post

Hay’adda UNHCR oo ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Kenya “Dhageyso”

Next Post

DAAWO SAWIRRADA XUSKA 55 GUURADA KA SOO WAREEGTAY AAS AASKA CXDS

Next Post
DAAWO SAWIRRADA XUSKA 55 GUURADA KA SOO WAREEGTAY AAS AASKA CXDS

DAAWO SAWIRRADA XUSKA 55 GUURADA KA SOO WAREEGTAY AAS AASKA CXDS

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In