Friday, October 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca oo kormeer howleed ku tagey Xarunta Ciidanka Badda Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Difaaca oo kormeer howleed ku tagey Xarunta Ciidanka Badda Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Aprili 21, 2015….Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo uu weheliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Difaaca Mudane Cabdalla Xuseen Cali, ayaa maanta kormeer howleed ku tagey xarunta ciidanka Badda Soomaaliya, taas oo ku taala Dekaddii hore ee Muqdisho, isagoona kormeray qalabka iyo xarumaha ay ku shaqeeyaan Ciidanka Badda.

Wasiirka ayaa ugu horeyn booqday doomo ay leeyihiin Ciidanka Badda, kuwaas oo dhawaan la filayo in ay door ka qaadan doonaan sugidda ammaanka xeebaha Soomaaliya.Taliyaha Ciidanka Badda Dowladda Federaalka Admiral Maadey Nuurey Sheekh Ufurow, ayaa warbixin ka siiyey Wasiirka doomaha iyo sida ay u shaqeeyaan, isagoo xusay in ay mar dhow bilaabi doonaan shaqooyinkii loogu talagalay.

Related posts

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

October 16, 2025
Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

October 16, 2025

Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay sanadihii ugu danbeeyay Ciidanka Baddu in ay sameynayeen horumar, hadana loo baahan yahay in kor loo qaado tirada iyo tayada ciidamadda Badda, si ay ciidanku u noqdaan kuwa ay u dhameystiran yihiin adegyadii guud ee ku howl galayeen.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini, ayaa boggaadiyey horumarka ay sameeyeen Ciidanka baddu, isagoo xusay in Wasaaraddu ay door muuqda ka qaadan doonto horumarinta ciidamadda Badda Soomaaliya oo kamid ah ciidamadda laf-dhabarta qaranka ah.

“Waxaan boggaadinayaa horumarka ay sameynayaan ciidamadda Baddu, runtii meel hoose ayaa laga soo bilaabay shaqada, maanta waxaa la isticmaalaya doomaha dheeraya oo ku rabin yahay qalab casri ah, taasi waxay marqaati cad u tahay sida ay nooga go’an tahay inaan gaarno Soomaaliya leh awood ciidan, gaar ahaan Ciidanka Badda oo iyagu kamid ah kuwa ugu muhiimsan qaranka” ayuu yiri Wasiirka Difaaca.

Ugu danbeyn, Wasiirka ayaa  xusay in mar walba lagu gaari karo yoolka la higsanayo marka la muujiyo isku tashi, isagoo tilmaamay in ciidamada badda ay door firfircoon ka qaadan jireen dedaallada lagu xaqiijinayo ammaanka badaha dalka oo dhan, isla markaana dadka Soomaaliyeed laga doonayo in aysan cid kale ka sugin in loo dhiso dalkooda ee iyaga looga baahan yahay hormuud in ay ka noqdaan dhismaha qaranka.

—DHAMMAAD—–

IMG_1269 IMG_1279 IMG_1294 IMG_1306 IMG_1330 IMG_1342 IMG_1357 IMG_1359 IMG_1365 IMG_1389 IMG_1400 IMG_1439 IMG_1454 IMG_1461 IMG_1539 IMG_1543 IMG_1571

Previous Post

Ururrada bulshada rayidka oo ka hadlay doorka uga aadan hiigsiga cusub (Sawirro)

Next Post

Madaxweyne Xasan: Ururka ISIL waa dembiileyaal ka soo horjeeda ilbaxnimada

Next Post
Madaxweyne Xasan: Ururka ISIL waa dembiileyaal ka soo horjeeda ilbaxnimada

Madaxweyne Xasan: Ururka ISIL waa dembiileyaal ka soo horjeeda ilbaxnimada

From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

October 16, 2025
0

By H.E. Bihi Iman Egeh, Minister of Finance, Federal Government of Somalia, and Hideki Matsunaga, Country Manager, World Bank Group,...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

October 16, 2025
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa maanta ka heshay abaalmarin iyo aqoonsi heer caalami ah shirkii World Food Forum, taasoo...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

October 16, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay xubnaha cusub ee la doortay ee...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka EAC

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka EAC

October 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo la kulmay Xildhibaannada Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In