Tuesday, January 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye: “Waxaan qorsheynay in aan diyaarino habka lagu horumarin karo Warbaahinta Soomaaliya”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiir Maareeye: “3-da May awgeed waxaan hambalyo u dirayaa bahda saxaafadda Soomaaliyeed”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,  Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa tilmaamay in qorshe howleedka Wasaaradda ay ka midtahay diyaarinta qorsho tifaftiran oo lagu horumarinayo Warbaahinta Soomaaliya.

Wasiirka oo ka hadlayay xuska maalinta xoriyadda Saxaafadda Caalamka ee 3-da May ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay xoogga saareyso horumarinta Warbaahinta dowladda iyo tan sida gaarka ah loo leeyahay, isla markaana si wada jir ah looga qeyb qaato dib u dhiska dalka.

Related posts

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

January 19, 2026
Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah

January 19, 2026

“Qorshaha Wasaaradda waxaa ka mid ah in aan xiriir wanaagsan la yeelano warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay, in aan is fahamsiino hay’adaha amniga iyo Warbaahinta xiriirka ka dhexeeya, quburada ka socda dalka Finland ee martida noo ah, waxa ay idin bari doonaan habka ay hay’adahooda amniga ah iyo Warbaahinta Finland u wada shaqeeyaan, waana tallaabo muhiim ah” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa intaa ku daray: “Runtii dhismaha machadka suxufiyiinta in la sameeyo ayaa noo qorsheysan oo la aqoonsayahay, ayna ka soo baxaan suxufiyiin xirfad sare u leh mihnadda saxaafadda, sidoo tababarka suxufiyiinta ayaa noo diyaarsan oo dalal badan oo caalamka ah ay inoo balan qaadeen, waxaana tababarka ka faa’iideysan doono  suxufiyiinta Warbaahinta dowladda iyo kuwa kale ee Warbaahinta madaxa banaan ka howlgalla, waxaan kaloo rabnaa in aan sameyno qorshe lagu horumarinayo Warbaahinta Soomaaliya”.

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

January 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta Hay’adda SoDMA kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda...

Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah

January 19, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka...

Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

January 19, 2026
0

Somalia’s Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Ali , today received the Ambassador of the Republic of...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah ee Bariga Afrika

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah ee Bariga Afrika

January 19, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda caalamiga ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In