Monday, August 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Siminaar ku saabsan sare u qaadidda aqoonta ganacsatada oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 6, 2015
in Wararka
0
Xoojinta amniga degmada Xamarweyne oo laga shiray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siminaarkan ku saabsanaa sare u qaadidda aqoonta maamuleed iyo midda hogaamineed ee Madaxda iyo Maamulka shirkahada ganacsi ee dalka, ayna ka qeyb galeen ku dhawaad 50 qof, isla markaana ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Soomaalia ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Siminaarka oo ahaa mid hal maalin ah ayaa waxa casharada aqoon isweydaarsiga bixinayay Prof Ismaaciil Cali Siyaad iyo Prof Mucayad Gitwala oo u dhashay dalka Thailand, waxna ka dhiga Jaamcadda Soomaaliya, kuwaasi oo soo koobay sida ay ganacstada Soomaaliyeed ku horumarin karaan ganacsiga, iyagoo iskaashanaya, waxaana macalimiinta siminaarka bixinayay ay ka sheekeeyeen sida ugu wanaagsan ee ay ganacsatadu isaga kaashan karaan horumarka.

Related posts

Wafdi sare oo ka socda Hayโ€™adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

Wafdi sare oo ka socda Hayโ€™adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

August 18, 2025
๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ ๐—ข๐—ผ ๐—Ÿ๐—ฎ ๐—ซ๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐˜๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ง๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—›๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ

Guddoomiyaha Jaamacadda Soomaaliya C/ramaan Macalin Axmed oo ugu horeyn siminaarka ka hadlay ayaa tilmaamay in uu yahay mid looga goโ€™leeyahay sida ay u wada shaqey karaan ganacsatada, isla markaana Jaamacadda ay ku dadaaleyso soo saarista aqoonyahano ka howlgalla xarumaha ganacsi ee dalka.

โ€œMarka aan wax yar ka taabto ahmiyadda aan ka leenahay arrintan, ama workshop-ka ceynkan waxa ay tahay, horta waxaan ognahay ahmiyadda ay noo leedahay jaamacadda Soomaali ahaan, in aan marna ka maarmin la shaqeynta shirkadaha ganacsiga ee dalka ka jirta, waxaan garowsanahay in howsha aan hayno ee Jaamacada aysan socoteen haddii aysan jirin shirkado badan oo loo shaqeeyoโ€ ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacadda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadkii ka faaโ€™idey siiminaarka ayaa ka sheekeeyay sida ay ugu faraxsanyihiin ka qeyb galka siminaarka, waxaana ay yiraahdeen. โ€œMagaceyga waa Cabdullaahi Daaโ€™uud Axmed, maanta waxaan ka qeyb galay siminaar ay soo qaban qaabisay Jaamacadda oo ku saabsanaa horumarinta iyo hogaaminta ganacsiga, siminaarka u jeedkiisu waxa uu ahaa si ganacsiga Soomaalida uu u sii jiri lahaa, runtii aad baan uga faaโ€™idnay, magaceyga waa Badal Sheekh Axmed Kulmiye waxaan ka socdaa shirkadda iyo daabacaadda xayaysiinta ee Singjet, runtii labada prof, casharada ay halkan ka bixiyeen ganacsatadu wayย  ka heleen baraarujin ugu yaraan ay ka heli karaan, qataraha ka so horeeya ganacsigaooda, ย sidee loo maareeyaa deymaha iyo arrimo kaleโ€

Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Soomaaliya prof Xuseen Cismaan Axmed oo ugu dambeyntii siminaarka soo gabo gabeeyay ayaa sheegay in siminaarada nucaani oo kale ah ay joogteen doonaan, isla markaana siminaarkan uu wax badan ku soo kordhin doono ganacsatada ka soo qeyb gashay.

โ€œMaamulka Jaamacadda Soomaaliya ee soo agaasimay munaasabadan qiimaha badan ee hadafkeeda ahaa sare u qaadista aqoonta maamuleed iyo midda hogaamineed ee Madaxda iyo Maamulaayasha shirkahada ganacsi ee dalka ku yaalla, dabcan waxaan u mahadcelinayaa sidoo kale ka soo qeyb galayaasha ka socda ganacsatada gaar ahaan qeybaha kala gedisan ee suuqa ka socda, aad iyo aad ayaan uga mahadcelineynaaโ€ ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Soomaaliya.

Siminaarka ayaa gabo gabadii ka qeyb galayaasha la guddoonsiiya shahaadooyin.

Previous Post

Umulisoon aqoon leh oo la geyn doono degmooyinka iyo gobolla dalka โ€œSAWIRROโ€

Next Post

John Kerry oo Gaaray Jabuuti Dhaqaalana U Balanqaaday Qaxootiga Yemen

Next Post
John Kerry oo Gaaray Jabuuti Dhaqaalana U Balanqaaday Qaxootiga Yemen

John Kerry oo Gaaray Jabuuti Dhaqaalana U Balanqaaday Qaxootiga Yemen

Wafdi sare oo ka socda Hayโ€™adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

Wafdi sare oo ka socda Hayโ€™adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

August 18, 2025
0

Wafdi sare oo ka socda Hayโ€™adda Maareynta Musibooyinka Qaranka ee SoDMA, uuna hoggaaminayo Agaasime Guud Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa maanta...

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ ๐—ข๐—ผ ๐—Ÿ๐—ฎ ๐—ซ๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐˜๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ง๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—›๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ ๐—ข๐—ผ ๐—Ÿ๐—ฎ ๐—ซ๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐˜๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ง๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—›๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ

August 18, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay hannaanka la xisaabtanka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

August 18, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,oo ay wehelinayaan Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, saraakiil ciidan...

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

August 18, 2025
0

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed ayaa magaalada Xudur kusoo bandhigay afar dhalinyaro ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In