Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland oo ka hadlay qorshe howleedka Baarlamaanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland oo ka hadlay qorshe howleedka Baarlamaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Barlamaanka Maamulka Jubbaland oo dhawaan la caleemo saaray ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshe howleedka horyaalla barlamaankaasi.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay inay wadaan dhismaha gudiyada uu baarlamaanka yeelanayo, waxaana uu intaa ku daray inay guda gali doonaan sidii loo xoojin lahaa arrimaha dib-u-heshiisiinta.

Related posts

Taliyaha ciidanka Booliska oo guddoomiyey shirka taliyeyaasha

Taliyaha ciidanka Booliska oo guddoomiyey shirka taliyeyaasha

January 8, 2026
Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026

“Baarlamaanka waa curdan, dhawaan ayaa la dhisay, waxaana lagu soo xulay qaab deegaan, marka qorsaha waxaa noogu jirta in aan dar dargelino howlaha baarlamaanka uu qaban doono xilliga ugu soo horeeya, marka aan dhameystirno gudiyada uu yeelanayo baarlamaanka” ayuu yiri Sheekh Cabdi Maxamed.

Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa xusay inay jirto cabasho ku aadan qaabka lagu soo xulay baarlamaanka, waxaana uu intaa ku daray in ay gacan ka geysan doonaan sidii ay u xalin lahaayeen dadka cabashada qaba.

“Way jirtaa cabasho ku aadan qaabka baarlamaanka lagu soo xalay ee ah dhanka deegaanka, marka dadaal ayaan wadnaa oo aan ku xalineyno arrintaas, runtii waxaa jirta deegaanno gacan aan ugu jirin maamulka oo ay ku suganyihiin Al-Shabaab, kuwaaasi wakiilo ayaa baarlamaanka u joogay, balse markasta waxaan ka shaqeyneynaa dib u heshiisiinta” ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland.

Previous Post

Arday Soomaaliyeed oo wacadaro ka dhigtay bandhig dhaqameed lagu qabtay Turkiga “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Taliyaha ciidanka Booliska oo guddoomiyey shirka taliyeyaasha

Taliyaha ciidanka Booliska oo guddoomiyey shirka taliyeyaasha

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto, Asad Cismaan Cabdullahi ayaa shir guddoomiyay Shirka Taliyaasha Hoggaanada, Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa Banaan...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

The Federal Government of Somalia clarifies WFP warehouse allegations

January 8, 2026
0

The Federal Government of Somalia has taken note of the statement issued by the United States Department of State regarding...

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In