Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Diyaarad sidda qaxooti Soomaaliyeed oo ku soo wajahan Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Diyaarad sidda qaxooti Soomaaliyeed oo ku soo wajahan Muqdisho

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo ay ku soo daad gureyneyso Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku xaniban, iyadoo saaka lagu wado inay Muqdisho soo gaaraan.

Diyaaradaan ayaa la filayaa iney magaalada Muqdisho keento Qaxooti Soomaaliyeed oo gaaraya 145-ruux, kuwaasi oo la sheegay inay yihiin dad liito oo aanan awoodin inay badda soo maraan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025

Qunsul ku-xigeenka Soomaaliya ee Yemen Xuseen Xaaji, ayaa sheegay in Diyaaradan ay soo qaadeyso dadkaasi, wuxuuna tilmaamay in magaalada Muqdisho la keenayo oo Dowladda Soomaaliya iyo guddiga samata bixinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ay ku soo dhaweynayaan garoonka Muqdisho.

Xuseen ayaa tilmaamay Dowladda oo kaashanaysa Hay’adda IOM inay suuragal ka dhigtay in dadkaan lasoo qaado, waxaana dhanka kale uu sheegay in maanta waqti dheeraad ah oo xabad joojin ah Yemen ay ka dhaqangalayso.

Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdi Wali, ayaa Khamiistii sheegay in maanta oo Isniin ah Muqdisho Dowladda ay keenayso 145-ruux oo Qaxooti Soomaali ah, kadib markii Dowladda ay arintaasi dadaal dheeri ah ku bixisay.

Guddiga badbaadinta Qaxootiga Soomaaliyeed oo xalay kulan loogu gurmanayo Qaxootiga ku qabtay xarunta Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in ay wadaan dadaallo ku aadan sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa qaxootiga ka soo laabanaya Yemen.

 

Previous Post

Maamulka Degmada Baraawe oo codsaday in laga caawiyo arrimaha caafimaadka

Next Post

Guddoomiye Muungaab oo qoysas laga kiciyay 21-ka October ku wareejiyay dhul ay degaan “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiye Muungaab oo qoysas laga kiciyay 21-ka October ku wareejiyay dhul ay degaan “SAWIRRO”

Guddoomiye Muungaab oo qoysas laga kiciyay 21-ka October ku wareejiyay dhul ay degaan “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaatay Kaarka Cod-bixinta ee Guddiga Madaxa Bannaan...

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa magaalada Abu Dubai kulama...

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA HOOSE): Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal amni ka fuliyay magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay la kulmay qaad kamid ah bulshada magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In