Wednesday, February 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Nikolas Kay oo dowladda ku ammaanay horumarka ay ka gaartay dhinacyada Siyaadda iyo amniga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Nicholas Kay oo cambaareeyay weerarkii Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nikolas kay ayaa  Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga warbxiyay xaalada Soomaaliya kaddib kulan goluhu uu ku yeeshey magaalada New York ee xarunta Q.M.  Ergeyga gaarka ah ee QM Soomaaliya ayaa golaha u faah faahiyay marxaladda uu haatan dalka Soomalaiya marayo, yoolka la hiigsanayo iyo waxyaabaha la wajahayo, waxaana kamid mid ah meelaha uu diiradda saaray  horumarka laga gaaray siyaasadda, dhaqaalaha, ammaanka, dib u eegista dastuurka, doorashooyin ka dhaca Soomaaliya 2016, dhismaha maamul goboleedyada, iyo doorashooyinka ka dhacaya Soomaliland, gaar ahaan waqtiga la iclaamiayay in doorashadu ay dhacdo lagu daray baahiyaha loo qabo taageerada laga doonayo beesha caalamka.

Mr Kay ayaa ku ammaanay dowladda Federaalka ah ee Soomaliya in ay guulo ka gaartay horumaro badan, ayadoo ay jireen caqabado sida uu sheegey mar uu tusaale ahaan u soo qaatay 25 sano kadib meesha lamarayo, laakiinse wuxuu xusay in hadafka ugu weyn uu yahay in mudo kordhin aysan jiridoonaan, rajana uu ka qabo in dalka la gaarsiiyo doorasho ay ka qeyb qaataan mushatanmaca Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

February 10, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

February 10, 2026

Intii lagu guda jiray warbixintiisa uu siinayaay golaha ammanka ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa wuxuu soo hadal qaaday dadaalka madaxda dowladda Soomaaliya ay ugu jiraan dhamaystirka howlaha lagu gaari karo hiigsiga 2016ka wuxuuna sigaar ah u soo hadal qaaday dib u eegista dastuurka oo weli howsheedi socoto maadaama uu dastuurku udub dhexaad u yahay nidaamka dowladnimo ee dalka kajira iyo qabsoomida doorasho.

Arrimaha maamul goboleedyada, Danjire Nikolas Kay ayaa yiri” QM waxaa ay si dhow ula shaqeynaysaa Midowga Yurub, Midowga Africa, urur goboleedka IGAD si Soomaaliya looga hirgeliyo nidaamka Federaalka ah, gaar ahaan dhismaha mamaul goboleedyada dalka oo laga qeyb geliyo haweenka, dhallinyarada  iyo bulshada inteedi kale, taasina waa arin muhiim ah QM way la socondoonaataa inta howlahaasi laga miradhalinayo”

Mar uu ka soo hadal qaaday dhaqaalaha dalka ayuu sheegey in tallaabooyin horumaro ah ay jiraan gaar ahaan hanaanka maaliyadeed oo ay sameysay dowladda Soomaaliya sidoo kalena barnaamijka New Deal ayuu ku sheegey in wax badan ka kaabidoono Soomaaliya.

Nikolas kay ayaa sheegey in dhinaca beni’aadanimada marka la fiiriyo xaalada ay tahay mid weli liidata, wuxuuna ku celceliyaya qoxootiga ka soo cararaya dagaalada dalka Yemen ka socda iyo baahiyaha loo qabo in dadkaasi daryeel loo fidiyo, howlaha gaar kaalmooyinkii loogu talagay weli sidii larabay uma imaanina, caqabadaha jira waxaa kamid ah dhibaatooyinka xawaaladaha ka haysata Soomaalida, roob yari iyo daruufo kale oo isbahaysta.

Geesta kale Maman Sidiku oo ha ergayga gaar ak ee Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa isna xusay in howlgalka Midowga Africa uu sii socon doono ilaa 2016 ay ammaan ku soo dabaalaan Soomaaliya, isagoo xusay in QM looga fadhiyo in wixii xiligaasi ka dambeyeye ay qorshe cad la yimaadaan.

Mr Sidiku ayaa ku dheeraaday guulihii Militeri oo ay soo hooyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayo kuwa Midowga Africa.

Waxaa diyaariyay Cali C/qaadir Cali

Previous Post

Howlgallo lagu soo qabtay maleeshiyaad lagu tuhmayo inay ka tirsanyihiin UGUS “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka amniga iyo taliyaha booliska oo maanta u safray dalka Djibouti

Next Post
Wasiirka amniga iyo taliyaha booliska oo maanta u safray dalka Djibouti

Wasiirka amniga iyo taliyaha booliska oo maanta u safray dalka Djibouti

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

February 10, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

February 10, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa maanta booqday xarunta...

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubka 5-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubka 5-aad ee Dastuurka

February 10, 2026
0

Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir...

𝐌𝐢𝐧𝐢𝐬𝐭𝐞𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐬𝐚𝐥𝐚𝐦 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐀𝐥𝐢 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐯𝐞𝐬 𝐢𝐧 𝐀𝐝𝐝𝐢𝐬 𝐀𝐛𝐚𝐛𝐚 𝐟𝐨𝐫 𝐭𝐡𝐞 𝟑𝟗𝐭𝐡 𝐀𝐔 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭

𝐌𝐢𝐧𝐢𝐬𝐭𝐞𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐬𝐚𝐥𝐚𝐦 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐀𝐥𝐢 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐯𝐞𝐬 𝐢𝐧 𝐀𝐝𝐝𝐢𝐬 𝐀𝐛𝐚𝐛𝐚 𝐟𝐨𝐫 𝐭𝐡𝐞 𝟑𝟗𝐭𝐡 𝐀𝐔 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭

February 10, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Ali has arrived in Addis Ababa to participate in the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In