Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xaquul insaanka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa maanta booqatay qoysaskii dhawaan ka soo cararay dagaalada ka socda dalka Yemen ee la dejiyay xarun ku taalla degmada Hodan ee Gobolka Banaadir
Qoysaskan oo isugu jira Yemenniin iyo Soomaali gaaraya lix qoys oo tiradoooda tahay 52 ruux , ayaa Wasiirka mid mid u booqatay qolalka ay ku jiraan dadkaasi oo iminka si wada jir ah ay u caawinayaan dowladda Soomaaliya iyo hay’adda IOM.
Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa tilmaamtay inay indhaheeda ku aragtay daruufta ka muuqata qoysaskaasi, waxaana ay tilmaamtay in bulshada Soomaaliyeed looga fadhiyo sidii ay dhexdooda isugu gurman lahaayeen.
“Een waxaan soo booqday xeradii ugu horeeysay ee dadkii ka yimid dagaaladda Yemen ka socday ay ku jiraan, waxa kale oo jooga halkaan dad badan oo laga soo tarxiilay wadanka Sacuudiga, Maasha Allah waxaa halkani iiga muuqata in Soomaalida isku tegtay gabdhahii Urarradda bulshadda rayidka, Dowladda iyo IOM inay caawinayaan qoysaskan, maadaama IOM ay qaabilsantahay in dadka qoxootiga caawiso” ayay tiri Marwo Sahro.
Wasiirka haweenka iyo xuquuqda aadanaha ayaa tilmaamtay in ka Wasaarad ahaan ay door muuqda ka qaadan doonaan sidii loo caawin lahaa qoysaska Soomaaliyeed ee dalkooda dib loogu soo celinayo.