Sunday, August 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sida looga hortagi karo dhibaatada uu Qaadka ku hayo bulshada oo laga hadlay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 25, 2015
in Wararka
0
Haween Ka Tanaasulay Ka Ganacsiga Qaadka Oo Barnaamij Shaqo Abuur  Ah Loo Sameeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siminaarkani oo lagu baranayo casharo la xiriira dhibaatooyinka Qaadka ee dhinacyada caafimaadka iyo dhaqaalaha uu u leeyahay bulshada ayaa magaalad Muqdisho uga furmay ardayda dhigata JaamacadDa Banaadir, ayadoo munaasabadda furitaanka ay ka qeyb galeen Xildhibaan Csimaan Maxamuud Dufle, Maamulka iyo Maclimiinta Jaamacadaasi.

Siminaarkani oo hal maalin ahaa ayaa intii uu socday si weyn looga hadlay dhibaatooyinka bulshada Soomaaliyeed uu ku hayo Qaadka iyo ahmiyada ay leedahay in bulshada laga wacyigeliyo arintaasi.

Related posts

Dr.Aadan Cabdillaahi Aw Xasan oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari

August 24, 2025
Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan la qaatay Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan la qaatay Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed

August 24, 2025

Abuukar Cawaale Qaadiid oo u ololeeya joojinta Qaadka oo ka qeyb galay siminaarkani ayaa sheegey in min dowlad ilaa shacabka la iska kaashado ka hortaga dhibaatada uu qaadku ku hayo bulshada Soomaaliyeed.

“Waa gumeysi casri ah oo maskaxda  Soomaalida lagu kontroolo, maalkoodana lagu gurto, waxaan soo marey Hargeysa, Buuhoodle, Gaalkacyo,J ariiban, Boosaaso, Galmudug iyo meelo badan runtii dhibku waa dhib aad aad u fiday, waxaa loo baahanyahay in talaabo la qaado, aad baan ugu faraxsanahay Xildhibaankeena in uu caawa nala joogo, wana waajib muqadas ah oo saaran mas’uuliyiinta Soomaaliyeed in ay talaabo ka qaadaan”

Sidoo kale Guddoomiyaha Jaamacadda Benaadir Dr C/risaaq Axmed Dalmar ayaa sharaxay sida ugu fudud oo bulshada looga wacyi gelin karo arintaasi.

“Labo qodob oo ma aragtay loo baahanyahay in la qaado qodobna waxay tahay in la wacyi geliyo, Awareness loo sameeyo, ma aragtay tuulooyinka loogu tago oo dhallinyarada laga wacyigeliyo, taa ayada ahna Jaamacadda Banaadir way u qalabaysan tahay, diyaar ayaana u nahay” ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacadda.

Xildhibaan Cismaan Maxamuud Dufle oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa balanqaaday in doorkiisa uu ka qaadanayo wacyigelinta bulshada.

“Waxaan balan qaadaya in arrintaasi culeyska la saaro, Abuukar ayaa ka hadlay culayska ay leedahay iyo muhiimada buslahada Soomalaiyeed ay u leedahay sidii muqaadaraankana loo hakin lahaa, in doorkeeyga aan ka qaato bi’idinilaati tacaalaa oo arintaas aan socod siino abuukarna aan u fududeyno howlahaasi sidii uu  ku gudan lahaay, ayaan diyaar u ahay” ayuu yiri Dr Dufle.

Isticmaalka maandooriyaha Qaadka ayaa ah mid dhibaatooyiin ku hayo dhaqaalaha iyo caafimaadka bulshada Soomaaliyeed, ayadoo 20-kii sano ee la soo dhaafay ee uu burbur sanaana dalka uu batay isticmaalkiisa.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Premier banki oo soo bandhigay adeegyada uu soo kordhiyay {SAWIRRO}

Next Post
Premier banki oo soo bandhigay adeegyada uu soo kordhiyay {SAWIRRO}

Premier banki oo soo bandhigay adeegyada uu soo kordhiyay {SAWIRRO}

Dr.Aadan Cabdillaahi Aw Xasan oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo u diray...

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan la qaatay Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan la qaatay Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Caadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macalin iyo Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka...

Madaxweynaha JFS oo Bilad Sharaf ku abaal mariyey Wasaaradda Warfaafinta

Madaxweynaha JFS oo Bilad Sharaf ku abaal mariyey Wasaaradda Warfaafinta

August 23, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Bilad sharaf hawlkarnimo ah ku abaal mariyey Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Barnaamijka Islaxisaabtanka Xukuumadda Dan-Qaran

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Barnaamijka Islaxisaabtanka Xukuumadda Dan-Qaran

August 23, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta soo xiray Barnaamijka Isla-Xisaabtanka Xukuumadda Dan Qaran ee uu hoggaaminayo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In