Saturday, July 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin bukaanno Soomaaliyeed ku booqday isbitaal ku yaalla Qatar “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Mas’uuliyiin bukaanno Soomaaliyeed ku booqday isbitaal ku yaalla Qatar “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Qatar ayaa u kuur galay xaaladda muwaadiniin Soomaaliyeed oo Daryeel  Caafimaad ay u fidisay Dawladda Qatar, isla markaana Lagula tacaalayo xaaladooda  isbitaalka weyn ee magaalada Doha.

Mukhtaar Cali Yuusuf Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Doha iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ugu horayn booqday isbitaalka ay ku jiraan qaar ka mid ah dhaawaca dadka Soomaaliyeed oo ay dedaal xoogan ku bixisay sidii ay u heli lahaayeen daryeel Caafimaad, Isla markaana ay garab istaagtay Dowlada aynu walaalaha nahay ee Qatar.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐨-𝐚𝐛𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐨-𝐚𝐛𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚

July 18, 2026
Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Maxamuud Cabdi Cali oo ka mid ahaa rug-caddaayadii saxaafadda

Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Maxamuud Cabdi Cali oo ka mid ahaa rug-caddaayadii saxaafadda

July 18, 2026

Qunsulka ayaa wuxuu sheegay in Dawlada Soomaaliya iyo Safaaraddu ay diyaar u yihiin baahiyaha ay tabanayaan muwaadiinta Soomaaliyeed ee lagu dabiibayo magaalada Doha, ayna garab taaganyihiin.

Sidoo kale wuxuu kulan waqti badan qaatay la yeeshay muwaadiniin kale oo hadda ay si wayn u soo ka banayso xaaladoodu, isla markaana Dawlada Qatar ay dejisay meel gaar ah, halkaasi oo ay ku sugaan waqtiga ay dhakhaatiirtu la balameen.

Qaar ka mid ah dadkii la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in iminka ay xaaladooda caafimaad soo hogaageyso, iyagoo ka mahadceliyay gurmadka caafimaad ee loo fidiyay.

Maxamed Mukhtaar Sheekh Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Galgaduud oo dhaawac kasoo gaaray weerarkii arxan darada ahaa ee lagu qaaday Wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Maxamed Dhego-wayne oo kamida dadkii ku waxyeeloobay weerarkii Hotel Central  ayaa sheegay in loo qabtay wax badan, waxayna si wada jir ah  ugu mahad celiyeen Dawlada QaTar, SafaaradDa Soomaaliya  iyo WasaaradDa Caafimaadka ee Dawladda Soomaaliya.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10

 Ahmed Darwiish – Warbaahinta Qaranka – Doha – Qatar

Previous Post

Waxgarad ku baaqay in la joojiyo dagaallo ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Ethiopia

Next Post

Roobabkii ka da’ay Caasimadda oo saameyn ku yeeshay qoysas danyar ah

Next Post
Roobabkii ka da’ay Caasimadda oo saameyn ku yeeshay qoysas danyar ah

Roobabkii ka da'ay Caasimadda oo saameyn ku yeeshay qoysas danyar ah

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐨-𝐚𝐛𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐨-𝐚𝐛𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚

July 18, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Guddi heerkiisu sarreeyo oo qaabilsan horumarinta xirfadaha iyo...

Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Maxamuud Cabdi Cali oo ka mid ahaa rug-caddaayadii saxaafadda

Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Maxamuud Cabdi Cali oo ka mid ahaa rug-caddaayadii saxaafadda

July 18, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ka digtay hurinta colaadaha

July 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa xaaladaha la xiriira falalka hurinta colaadaha,...

Musharaxa Urur Siyaasadeedka JSP ee hoggaamiyaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Musharaxa Urur Siyaasadeedka JSP ee hoggaamiyaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

July 18, 2026
0

Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb si weyn loogu soo dhaweeyay musharaxa Urur Siyaasadeedka JSP ee hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In