Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin bukaanno Soomaaliyeed ku booqday isbitaal ku yaalla Qatar “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Mas’uuliyiin bukaanno Soomaaliyeed ku booqday isbitaal ku yaalla Qatar “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Qatar ayaa u kuur galay xaaladda muwaadiniin Soomaaliyeed oo Daryeel  Caafimaad ay u fidisay Dawladda Qatar, isla markaana Lagula tacaalayo xaaladooda  isbitaalka weyn ee magaalada Doha.

Mukhtaar Cali Yuusuf Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Doha iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ugu horayn booqday isbitaalka ay ku jiraan qaar ka mid ah dhaawaca dadka Soomaaliyeed oo ay dedaal xoogan ku bixisay sidii ay u heli lahaayeen daryeel Caafimaad, Isla markaana ay garab istaagtay Dowlada aynu walaalaha nahay ee Qatar.

Related posts

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

January 12, 2026
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

January 12, 2026

Qunsulka ayaa wuxuu sheegay in Dawlada Soomaaliya iyo Safaaraddu ay diyaar u yihiin baahiyaha ay tabanayaan muwaadiinta Soomaaliyeed ee lagu dabiibayo magaalada Doha, ayna garab taaganyihiin.

Sidoo kale wuxuu kulan waqti badan qaatay la yeeshay muwaadiniin kale oo hadda ay si wayn u soo ka banayso xaaladoodu, isla markaana Dawlada Qatar ay dejisay meel gaar ah, halkaasi oo ay ku sugaan waqtiga ay dhakhaatiirtu la balameen.

Qaar ka mid ah dadkii la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in iminka ay xaaladooda caafimaad soo hogaageyso, iyagoo ka mahadceliyay gurmadka caafimaad ee loo fidiyay.

Maxamed Mukhtaar Sheekh Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Galgaduud oo dhaawac kasoo gaaray weerarkii arxan darada ahaa ee lagu qaaday Wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Maxamed Dhego-wayne oo kamida dadkii ku waxyeeloobay weerarkii Hotel Central  ayaa sheegay in loo qabtay wax badan, waxayna si wada jir ah  ugu mahad celiyeen Dawlada QaTar, SafaaradDa Soomaaliya  iyo WasaaradDa Caafimaadka ee Dawladda Soomaaliya.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10

 Ahmed Darwiish – Warbaahinta Qaranka – Doha – Qatar

Previous Post

Waxgarad ku baaqay in la joojiyo dagaallo ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Ethiopia

Next Post

Roobabkii ka da’ay Caasimadda oo saameyn ku yeeshay qoysas danyar ah

Next Post
Roobabkii ka da’ay Caasimadda oo saameyn ku yeeshay qoysas danyar ah

Roobabkii ka da'ay Caasimadda oo saameyn ku yeeshay qoysas danyar ah

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

January 12, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa kulan fogaan-arag ah la...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

January 12, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, si...

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

January 12, 2026
0

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka YH-da Israa’iil ay kula kacday midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii …..

January 12, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ay dhigan jireen khawaarijtii laga xoreeyey deegaanka Jilib marka ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In