Monday, June 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Banaanbax ka dhacay dalka Koonfur Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 31, 2015
in Wararka
0
Madaxda Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Koofur Afrika oo kulan ku yeeshay magaalada Cepe Town
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bananbaxan oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimay kana dhacay magalada Naaz ee dalka Koonfur Afrika oo ay so qaban qaabisay dowladda koonfur Afrika ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, mas’uliyiin ka socot maamulka gobolka, hogaamiyayaal dhinac dhaqanka , Arday, shucuub aad u badan iyo sido kale madxada Safaaradda Soomaaliya iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolkaasi Mpumalanga.

Ugu horeeyn waxaa goobta ay boqolaalka dadweynaha isugu yimaadeen ka hadlay mas’uuliyiinta maamulka gobol iyo saraakiisha ugu sareeysa ciidanka Booliska ee gobolkaasi Mpumalanga, kuwaasi oo si qoto dheer ugu hadlay weerarada soo laab laabtay ee ajaanib naceybka ah e mar waliba dadka koonfur Afrikaanka  ku beegsadaan ajaanibta, iyagoo sheegay in ay aad ugu xunyihiin dhibaatada ajaanibta dalka loogu geeysto, gaar ahaan ganacsatada Soomaalida ah.

Related posts

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025

Wasiir goboleedka amniga ee gobolka Mpumalanga MEC Vusi Shongwe oo ka hadlay isu soo baxan ayaa u sheegay shacabka koonfur Afrika in marnaba aysan u dulqaadan  beegsiga ajaanibta gaar ahaan kuwa kaso jeeda Qaaradda Afrika.

Sido kale Wasiirka ayaa sheegay in dalal badan oo Afrikaan oo dadkooda ay halkan ku nool yihiin ah ay qeyb liibaax leh ka qaateen xoriyadii dalka.

“Waxaana uu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in dhankooda looga baahanyahay u hogaansamida sharciga dalka, waxaana uu xusay in haatan guud ahaan dalka uu ka socda howlgal loogu magac daray (Operation Field ) kaasi oo guud ahaan dalka looga ciribtiraya hubka sharci darada ah loogana hortagaya dadka dhibaatada geeysta iyo kuwa aan sharciga ku joogin dalka,waxaana inta uu banaanbaxani loogu soo horjeedo isirnaceybka socday ay soo bandhigeen Fanaan u dhashay Dalkani heeso ka taariikhda Qaaradda Afrika.

Ugue damneyntii u qeybsanaha Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka koonfur Afrika ee dhinac Waxbarashada iyo dhaqanka Cabdi Xalane oo ka hadlay isu so baxa ayaa yiri “Mudanayaal iyo Marwooyin Safaaradda Soomaaliyeed ee K/Afrika iyo Soomaalida ku dhaqan dalkan,  waxay idin la garab taaganyihiin taageera buuxda ,waxeyna leeyihiin dooni meyno isirnaceyb, Afrika ha Midowdo”

Banaan baxani ayaa qeyb ka ah olole ay waddo Dowladda Koonfur Afrika  loogu hortagayo rabshadaha isirnaceybka marwalba ka dhaca Dalkan.

C/qaadir Axad Warbaahinta Qaranka, Pretoria

Previous Post

Wasiir Maareeye “Waxaan Yemen u direynaa Markab soo qaado muwaadiinta ku xaniban Dalkaasi” SAWIRRO

Next Post

Qado sharaf loo sameeyay Boqor Burhaan Boqor Muuse “SAWIRRO”

Next Post
Qado sharaf loo sameeyay Boqor Burhaan Boqor Muuse “SAWIRRO”

Qado sharaf loo sameeyay Boqor Burhaan Boqor Muuse “SAWIRRO”

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
0

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Maleeshiyaadka Khawaarijta   Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda XFS Yuusuf Maxamed Aadan oo loogu soo dhaweeyay garoonka diyaarada magaalada Algeris ee Caasimada...

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

June 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kaga qeyb-galay munaasabad casho...

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

June 22, 2025
0

RADIO MUQDHISHO:  Guutada 9aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta ka sameeyay deegaanno...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In