Monday, June 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qado sharaf loo sameeyay Boqor Burhaan Boqor Muuse “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 31, 2015
in Wararka
0
Qado sharaf loo sameeyay Boqor Burhaan Boqor Muuse “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Imaan Maxamed Yusuf Cali Imaan ayaa maanta kulan qado ah ugu sameeyey Muqdisho Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho, waxaana kulanka qadada uu ahaa mid ku salaysan dhaqan, iyadoo alaabta wax lagu cunayey iyo qaabka loo diyaariyey ay ka muuqatay in la joogo baadiyiihi.

Kulanka qadada waxaa ka qeyb galay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Caaqilo, Nabadoono, Wasiiro, Siyaasiyiin iyo Xildhibaano, Haween, Ganacsato, Guddoomiyeyaasha Degmooyina gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale

Related posts

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025

Ugaaska Maxamuud Cali Ugaas oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay in, isagoo in uu aad ugu faraxsan yahay in maanta qado Sharaf balaaran ay ugu sameeyaan Boqor Burhaan Boqor Muuse oo aad looga qadariyo gayiga Soomaaliyeed.

Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo goobta ka hadlay ayaa aad ugu mahdiyey sida qadarinta leh ee ay maanta u sooreen duubabka Muqdisho, isagoo sheegay arinkaan inuu muujinayo sida ay dhaqanka u ilaaliyaan.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo goobta ka jeediyey khudbad dheer oo isugu jirtay taariikh hore iyo sidii hada Soomaaliya ay isugu soo dhawaanayso ayaa sheegay iney isaga iyo salaadiinta Soomaaliyeed ay ka balameen sidii midnimada Soomaaliya loo soo celin lahaa.

Boqorka oo ka hadlay safarkii dheeraa uu ku tagay dalka dibadiisa ayaa ku tilmaamay in safarkaas uu qayb ka ahaa sidii Soomaali laysugu keeni lahaa, wuxuuna boqorku sheegay in dadka qurb joogta ah ay yihiin caqligii dalka, kuna booriyey inay dalka dib ugu soo laabtaan.

Imaan Maxamed Yuusuf Imaan Cali oo xaflada soo xiray ayaa si qoto dheer ugu duceeyey dadkii meesha ka soo qayb galay, isagoo sheegay iney tagi doonaan gobolada Soomaalida oo dhan, si uu u muujiyo isu keenidda Soomaalida, wuxuuna Imaanku ilaahay uga baryey shacabka Soomaaliyeed in bogooda burcad isu mariyo, dhanka kale Imaamka ayaa gudoonsiiyey Hadiyado Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi iyo Boqor Burhaan Boqor Muuse.
IMG_5519 IMG_5528 IMG_5550 IMG_5553 IMG_5555 IMG_5584 IMG_5627 IMG_5630 IMG_5631 IMG_5682 IMG_5692 IMG_5741 IMG_5790 IMG_5809 IMG_5835 IMG_5844 IMG_5943 IMG_5953 IMG_5968 IMG_5989

Previous Post

Banaanbax ka dhacay dalka Koonfur Afrika

Next Post

Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka furay Cadaado wajigii labaad ee shirka Maamul u samaynta Gobolada Dhexe “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka furay Cadaado wajigii labaad ee shirka Maamul u samaynta Gobolada Dhexe “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka furay Cadaado wajigii labaad ee shirka Maamul u samaynta Gobolada Dhexe “SAWIRRO”

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
0

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Maleeshiyaadka Khawaarijta   Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda XFS Yuusuf Maxamed Aadan oo loogu soo dhaweeyay garoonka diyaarada magaalada Algeris ee Caasimada...

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

June 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kaga qeyb-galay munaasabad casho...

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

June 22, 2025
0

RADIO MUQDHISHO:  Guutada 9aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta ka sameeyay deegaanno...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In