Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 7, 2015
in Wararka
0
Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan oo ahaa mid casho ah ayaa jaaliyada waxaa ay la qaateen Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah Xukuumada Fadaraalka Soomaliya Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Cali Ceynte waxaana kasoo qeybgalay Waxgarad, aqoonyahanno, ardayda Jamacadaha haweenka iyo qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magalada Cape town ee dalka Koofur Africa.

Kulanka ayaa waxaa uu ahaa mid labada dhinac ay isku dhaafsanayeen  xog, isla markaana lagu kala war qaadanayay, ayada oo xubnaha Jaaliyadda ee goobta ka hadlay ay Wasiirka xog ka siiyeen nolosha Soomaalida ku nool dalka Koofur Africa iyo dhibaatooyinka ay kala kulmaan kooxaha burcadda ee dalkaasi ku nool.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Maxamed Raage oo ah aqoon Soomaaliyeed oo wax ku bartay gudaha dalka Koonfur Africa waxaa uu goobta ka sheegay in Soomaalida dhibaatoyinka ay kala siman yihiin dadka kale ee ajaanibta ah ee usoo qaxay dalkaasi.

“Qaarkiin halkaan fadhiya waxaad heystan sharciga dalkan oo halka aad doontaan ku aadan sida dalalka Yurub iyo Mareykanka, dhinaca dilalka iyo dhibaatooyinka waxan kala simanahay dadka kale ee ku nool Koonfur Africa, lakiin Soomaali hadaan nahay saameyn ayey nagu leedahay arrinta”ayuu yiri Maxamed Raage.

Cabdullaahi Cali Xasan waxa uu ka mid yahay ganacsatada Soomaalida waxaa uu sheegay in Soomaalida ay fursado badan ku heystaan gudaha dalka koofur afria dhinaca ganacsiga marka laga eego.

“Mar dhaxe waxaa bilaabay dukaamada yaryar in Soomaalida ay ku noqdan shirkado halkaas ayuu ganacsiga kusii balaartay, waxaa la gaaray in Soomaalida ay sameystaan shirkado waa weyn oo wax laga iibsado”ayuu yiri Cabdullaahi.

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah oo goobta ka hadlay ugu dambeyntii waxa uu jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Africa ugu baaqay in ay wax la qaybsadaan dadka ay ku nool yihiin.

“Waxaa dalka wax loo tari karaa is leeyahay in meesha la joogo wax laga qabsado, aqoonta oo kale, ganacsiga laga faa’ideysto kadib fursado kale dalka la keeno, xitaa aragtiyo wax lagu dhisi karo ayaa la keeni karaa dalka iyo dadka looga faa’ideyn karaa” ayuu yiri Wasiir Ceynte.

Ugu Dambeyntii qaar ka mid ah xubnaha kala duwan ee kulanka ka qeyb galay ayaa halkaasi Wasiirka ku weydiiyay su’aalo la xariira marxaladda dalka uu marayo, ayada oo Wasiirka uu ugu jawabayay si wanaagsan  dhaman su’aalahii la weydiiyay oo ay ku qanceen jaaliyadda waxaana shirka uu kusoo dhamaaday jawi aad u wanaagsan.

IMG_1063 IMG_1079 IMG_1085 IMG_1095 IMG_1120 IMG_1131 IMG_1132

Cabdullaahi Qorshe Cape Town South Africa

Previous Post

Akhriso sida loogu kala Guuleystay Koobka Champions League-ga ilaa Markii La Bilaabay sanadkii 1955-tii

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In