Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo Muqdisho kula kulmey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo Muqdisho kula kulmey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 7 June , 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabiley Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Abdullah bin Zayed bin Sultan Al Nahyan iyo wafdi uu horkacayo oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa dowladda Imaaraadka Carabta uga mahadceliyey doorka wax ku oolka ah ee ay ka qaadaneyso dib u dhiska Soomaaliya.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

“Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda waxaa ku weyn, abaal weyna ay idin kaga hayaan, mashaariicda qiimaha leh ee dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ka fulinayso waddankan, waxayna taasi dhiirigelineysaa dadaalka ku aaddan dib u soo kabashada Soomaaliya ee dhinacyada nabadgelyada, siyaasadda iyo dhaqaalaha”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in taageerada waqtigan ay hesho ka sokow, ay Soomaaliya u baahan tahay in lagala kaashado dhinacyada maalgashiga, dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, hirgelinta xarumo ay dhalinyarada ka bartaan mihnadaha kala duwan iyo barnaamijyada shaqo abuurista.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah bin Zayed bin Sultan Al Nahyan, ayaa dhankiisa ka mahadceliyey sidii wanaagsaneyn ee loogu soo dhoweeyay Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Waxaa uu sheegay in dalkiisu sii wadi doono taageerada dhinacyada kala duwan ee uu siiyo Soomaaliya, isla markaana dowladdiisu dooneyso in waddamada Khaliijka ay door ka ballaaran midka hadda jira ay ka cayaaraan dib u dhiska Soomaaliya.

Kulankaasi kadib ayaa waxaa qabsoomey shir kale oo laba geesood ah oo ay yeesheen labada dal. Dhanka Soomaaliya waxaa kulankaasi horkacayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyeen wasiirrada Arrimaha Dibedda, Caafimaadka, Maaliyadda, Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Waxbarashada, Amniga, Taliyaha Booliska iyo xubno kale, iyadoo dhanka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibedda Sheikh Abdullah bin Zayed bin Sultan Al Nahyan , Reem Al Hashimy oo ah Wasiiru Dowle ka tirsan xukuumadda Imaaraadka, Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mohamed Al Othman iyo xubno kale.

Kulankaasi ayaa labada dhinac ay isku dhaafsadeen arrimo la xiriira xoojinta xiriirka labada dal, dhinacyada ay iska kaashan karaan iyo arrimo kale. Waxaa kale oo halkaasi lagu kala saxiixdey heshiis adeegga duulimaadyada rayidka la xiriira oo labada dowladood ay wada galeen.

DHAMMAAD

unnamed unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5)  unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed (14)

Previous Post

Muungaab oo qado u sameeyey salaadiin Soomaliyeed oo horkacayey Boqor Burhaan-Sawirro

Next Post

Dagaaladii ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya oo qodobo muhiim ah laga heshiiyay

Next Post
Dagaaladii ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya oo qodobo muhiim ah laga heshiiyay

Dagaaladii ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya oo qodobo muhiim ah laga heshiiyay

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In