Munaasabadaani xariga looga jarayay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee Barlamaanka Soomaaliya, Ku-simaha Raโisul wasaaraha, Xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda, Maamulka gobalka Banaadir, kooxaha Bambeyda Booliska, qeybaha kala duwan ee Bulshada, Fanaanin, diblomaasiyiin iyo marti Sharaf kale.
Goobta ay munaasadda ka socotay waxaa lagu soo bandhigay suugaan ka turjumeysa ahmiyada ay Ummadda Soomaaliyed u leedahay in dib loo howlgeliyo xaruntii hore Dowladda Hoose ee Xamar Officio Governo.
Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdishoย Mudane Xasan Maxamed Xuseen โMuungaabโ oo munaasabadda ka hadlay ayaa u mahad celiyay dadkii iyo shirkadahii ka qeyb qaatay dhismaha Xarunta Dowladda Hoose oo lagu dhisay mashruuca dalkaaga dhiso.
โIn la dhiso oo goโaan lagu qaato, iyadoo waxa lagu tashanayo ay yihiin waxa aan heysano dowladda Hoose iyo shacabkeena oo kaliya, waa goโaan adag, markii aan tashanay oo uu Madaxweynaheena nagu diiri geliyay, goโaan waxaan ku qaadanay in Mashruuca dalkaaga dhiso oo uu fekerkeedu lahaa Madaxweyaha, anaguna fulintiisa aan lahayn in aan qaadano, Alle wuu nagu guuleeyay howshaasiโ ayuu yiri guddoomiye Muungaab
Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed haddii ay isku tashadan sida uu maamulka Gobalku isugu tashaday in ay dhisan karaan Waddooyinka iyo Goobaha adeegyada bulshada ee ku burburay dagaallada sokeeye, isagoo ammaan u jeediyay Maamulka Gobolka.
โMaamulka dhismahan hirgeliyay ee bilaabay, waxa uu joogaa taariikhda haddii aan eegno, 15-bilood iyo saddex labaatan maalmood, maamulka 15ka bilood ku hirgeliyay barnaamijkan intaan la eg, ee aan goob jooga ka nahay, waxaa xaqiiqo ah, in muddo kale haddii uu sii joogo uu wax badan qaban karo, Mudane Madaxweyne dalkan waxa uu u baahanyahay dad wax qabanaya, Mudane Madaxweynaha haddii aan nahay Wasaaradda Arrimaha gudaha, waan ku faaneynaa waxqabadka gobolka, gobalka waxa uu ka midyahay Waaxyaha rasmi ah ee Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalkaโ ayuu yiri Mudane Cabdirashiid Xidig.
Ku-simaha Raโisul wasaaraha ahna Wasiirka cadaalada ee Xukuumadda Fedraalka Soomaliya Mudane Cabdulaahi Axmed Jaamac ( Ilkajiir )ย ย ayaa tilmaamay inย dadka Soomaliyed looga baahan yahayย in ay isku tashtaan oo ay ka maarmaan gacan shisheeye si loo horumariyo dis u dhiska iyo bilcda dalka.
โFarxad ayay ii tahay ka qeb galka xafladan, waxaan aad ugu faraxsanahay dhismaha quruxda badan ee lagu gaaray dhismaha xaruntan iyo maamulka Gobolka ee Waqtigiisa laga hadlay waa arrin fiican, runtii hal kudhiga dalkaaga dhiso waqti fiican ayuu ku soo aaday, waana xilligii loo baahnaa in dalkaaga dhiso aynu wax ku dhisanoโ ayuu yiri Ku-simaha Raโiisul Wasaaraha.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamaanka Soomaaliya Mudaneย Mahad Cabdalla Cawad ayaa bogaadiyay Maamulka gobalka Banaadir inay sii dar dar galiyaan dib-udhiska iyo bilicda magaalada Muqdisho.
โGoobtan goob taariikhi ah weeye, waxa ay muujineysaa caasimaddii Jamhuuriyaddu inay dib u soo noolaaneyso, hadba caasimadda Jamhuuriyadda sida ay noqoto ayay himilada iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed noqoneysaa, haddii ay qurux badantahay Soomaaliya o dhan way qurux badnaaneysaa xaqiiq weeyeโ ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad.
Madaxweynaha Jamuuriyadda Fedraalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gaba gabada munaasada hadlay ayaa sheegay in xarunta lagu dhisay fikir Soomaaliyeed, ayna muujineyso in Soomaalida ay wax qabsan karaan, ย โDalkaaga dhiso, maalin ayay fikir ahayd, laakiin maanta fikir ma ahan waa dhab, waakana waan ku hoos noolnahay, waan hoos taaganahay, waan arkeynaa bilicda, quruxda, wanaagga, heybadda, sharafta iyo dhaqaalaha ku baxay, yaa ka dhadhan fiican, gurigan anaga ayaa dhisanay oo boqol sano ay waxyar uga dhimanyihiin, waxaana ku soo celinay sidiisii hore, muuqaalkiisii hore ee uu lahaa ayaan ku soo celinay, Maxaan ku soo celinay? Aqoon Soomaaliyeed iyo beeso Soomaaliyeed, tani dhadhan gaar ah ayay leedahay, waan is tijaabinay, waana tijaabo baxnayโ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Soomaliyeed in ay gacmaha is qabsadaan oo ay u midooban si loo xoojin lahaa mashuuruca Dalkaaga dhiso oo haatan lagu dhisay aqalka Dowladda Hoose ee Xamar oo muddo ka badan 25 sano bur bursanaa.
Madaxweynaha ayaa kula dar daarmay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay u kacaan ka shaqeynta nabadda iyo dib u dhiska dalka, si loo gaaro horumar.
โDalka maanta dhallinyaro ayaa ka masโuul ah, dhallinyarada ayaa laga rabaa in dalka ay dib u dhisaan, eedda balaaran ee dhallinyarada saaran ma yara, Oday sideetan jir ah madfac uu soo tuuray laguma dumin gurigan, nin dhallinyaro ah madfac uu soo tuuray ayaa gurigan dumiyay, sababtuu doono ha u soo tuuree, maanta ninkii dhallinyarada ahaa in uu dib u dhiso waajib ayay ku tahayโ ayuu yiri Madaxweyne Xasan.
Madaxweynuhu waxa uu shahaado sharaf guddoonsiiyay ganacsatadii iyo qeybihii kala duwanaa ee bulshada ee ka qeyb qadatay dhismaha aqalka dowladda Hoos ee Muqdisho.
Sawir Qaade:- Ilyaas Jamaal iyo Qadar Cali Nuur