Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo loo qeybiyay taariikh nololeedka xubnaha guddiyada madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ajandaha kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa ahaa qeybinta taariikh nololeedka xubnaha guddiyada madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo guddiga Xuduudaha iyo federaalka oo iyagu ka kooban min Sagaal xubnood waxaana Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo shirka Guddoominayey uu Xildhibaannada ku war geliyey iney soo akhristaan taariikh nololeedyada loo qeybiyey mudo 24 saac ah kadibna la gudageli doono ka doodista iyo ansixintooda.

Dhinaca kale Guddiga Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u yeertay Wasiirka Arrimaha dibadda iyo dhiiragelinta maalgashiga si ay su’aallo uga weeydiiyaan arimmo dhowr ah oo ay ka mid tahay dacwada xuduud badeedka ah ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Related posts

Wasiirka Dekedaha oo ka mahadceliyey ansixinta heshiiska FAL 1965 

Wasiirka Dekedaha oo ka mahadceliyey ansixinta heshiiska FAL 1965 

March 5, 2026
Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

March 5, 2026

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa markii uu kulankaasi soo gebageboobay saxaafadda u faah faahiyey waxyaabihii ay maanta weeydiiyeen Wasiirka Arrimaha dibadda.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo dhiiragelinta Maalgashiga ah ee Dowladda Soomaaliya Mudane C/salaan Hadliye Cumar oo isna dhankiisa saxaafadda la hadlay ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay iskaashiga dhex maray Guddiga iyo Wasaaradda taasina ay muujineyso isla xisaabtan dhab ah.

Kulankan waxa uu qeyb ka yahay kulammada sida joogtada ah ay Guddiyada Baarlamaanka ugula xisaabtamaan Wasaaradaha kala duwan ee Dowladda taasi oo qeyb ka ah hirgelinta iyo adkeynta jiritaanka hay’adaha dowladda.

Previous Post

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo noqday Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug

Next Post

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo ka hadlay qorshaha horyaalla

Next Post
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo ka hadlay qorshaha horyaalla

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo ka hadlay qorshaha horyaalla

Wasiirka Dekedaha oo ka mahadceliyey ansixinta heshiiska FAL 1965 

Wasiirka Dekedaha oo ka mahadceliyey ansixinta heshiiska FAL 1965 

March 5, 2026
0

Muqdisho, 05 Maarso 2026 – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

March 5, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaas...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

March 5, 2026
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhoweysay ansixinta ay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku meel mariyeen...

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

March 5, 2026
0

MUQDISHO | 05 Maarso 2026 – Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si diirran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In