Shirkan oo ahaa mid aan caadi aheyn ayuu Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali isugu yeeray dhammaan xubaha golaha wasiirada, isla markaana uu shir guddoominayey kulanka, iyadoo uu joogay ku-xigeenka Ra’iisul wasaaraha, waxaana shirka si gaar ah diiradda loogu saaray waxqabadka Xukuumadda hadda jirta mudada ay shaqeyneyso.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay muhiimadda guud ee shirka golaha Wasiirrada, isagoo carrabka ku dhuftay in Ra’iisul wasaaraha iyo ku-xigeenkiisa in wasaarad walba waxqabadkeeda la qiimeeyey, isla markaana uu jiro isla xisaabtan adag oo ku saleysan maamul wanaag.
Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa tilmaamay in golaha wasiirrada ay dood kulul ka yeesheen arrimaha ammaanka Qaranka gaar ahaan sidii loo soo gabagabeyn lahaa howlgallada ka dhanka ah nabad-diidka, qorshe arrintaa la xiriirana dhowaan laga fulin doono meelo qorsheysan.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegay in aragti ay Puntland ka bixisay dhismaha maamulka Galmudug in ay xalin doonaan hey’ado Destuuri ah dowladda Federaalkuna ay diyaar u tahay in hanaan siyaasad xasiloon leh in ay ku dhammeyso arrimahaasi.
Xukuumadda Federaalka ayaa jirsatay muddo Lix-bilood la badan, waxaana weli socda olollaha cusub ee lagu qiimeynayo wasaaradaha dowladda, si loo kala ogaado hey’adda aan ka soo bixin maruudaha ay u xilsaaran tahay, waana hanaan hufan oo muujinaya biseylka laga gaaray isla xisaabtanka inkastoo ay jiraan hey’adaha aan qaban ugu badnaan shaqooyinkii loo diray.