Ciidamada Hay’addda NISA gaar ahaan ciidamada gaashaan ayaa soo afjaray howlgalkii ay caawa ka fuliyeen Hotelka Siyaad ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ka soo badbaadiyeen Xildhibaanno, Wasiir ku-xigeenka amniga ee Maamulka Koonfur Galbeed, Odoyaal dhaqameed iyo Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda yaasiin Nuur Ciise, kuwaasi oo ku xanibnaa gudaha hotelka Siyaad ee magaalada Muqdisho
Ciidamada ayaa si rasmi ah ula wareegay hotelka, waxa ayna wadaan baaritaanno dheeraad ah oo ku aadan xaqiijinta amniga ay ka wadaan gudaha Hotelka, halkaasi oo ay iminka kusuganyihiin mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Tifaftiraha Radio Muqdisho Ismaaciil Mukhtaar Cumar Oronge oo ku sugan gudaha Hotel Siyaad ayaa ku soo waramaya in ciidamada gaashaan ay la wareegeen guud ahaan amniga Hotelka Siyaad, waxaana la badbaadiyay dhamaan dadkii Hotelka deganaa.
Qaraxa ayaa ahaa gaari nuuca Nooh loo yaqaan oo isku qarxiyay ilinka hore ee hotelka, taasi oo u sahashay in shan ka tirsan dhagar qabayaasha UGUS ay gudaha u galaan Hotelka, waxaana ciidamada Gaashaan ay toogasho ku dileen shantii hotelka gashay, iyagoo aan fal dil ah geysan, marka laga reebo hal askari oo ku dhintay qaraxii Albaabka lagu dhugtay.
Dhinaca kale Cabdilaahi Khaliif Xiireey oo la hadlay Radio Muqdisho, kana mid ah mas’uuliyiinta Hotelka Siyaad ee Muqdisho ayaa sheegay in weerarkii caawa uu kaga dhintay hal askari oo ka tirsan ilaalada Hotelka, kaasi ku dhintay qaraxii koowaad ee lagu dhuftay ilinka hore ee Hotelka, waxaana uu ciidanka amniga ee Gaashaan uga mahadceliyay sida ay ugu guuleysteen inay qaarajiyaan dhamaan kooxihii weerarka ku soo qaaday Hotelka.