Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo gaaray Addis Ababa kana qeybgalaya Shirweynihii 3aad ee Caalamiga ee dhinaca Maalgashiga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha oo gaaray Addis Ababa kana qeybgalaya Shirweynihii 3aad ee Caalamiga ee dhinaca Maalgashiga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Addis Ababa, 12 July 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudana Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaarey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, halkaa oo uu kaga qeybgalayo shirweynihii 3aad ee caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee dhinaca maalgashiga mashaariicda horumarinta.

Shirkan oo ay ka soo qeybgeli doonaan hoggaamiyeyaasha caalamka , wakiilo ka socda dowladaha, hay’adaha caalamiga ee dhinaca maaliyadda iyo ganacsiga, ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa qaabka loo tayeyn karo maalgashiga ku baxa dhinaca horumarinta, iyo in laga hortago falalka canshuuraha lala goosto oo ay ku lumaan balaayiin dollar oo wax looga qaban karey yareynta fakhriga.

Related posts

Somali FM Holds Virtual Talks with Korean Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed kala hadlay adkeynta Madaxbanaanida dalkeenna

January 12, 2026
Somalia and China Reaffirm Strategic Partnership and Mutual Support on Core Interests

Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Shiiina oo ka wada hadlay Midnimada Dalka

January 12, 2026

Waxaa kale oo shirkan caalamiga ah looga doodi doonaa horumarinta adeegyada canshuur uruurinta ee caalamka iyo xakameynta lacagaha sida sharcidarrada ah la isugu gudbiyo caalamka oo dhan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkan ka sokow waxaa kale oo uu ka qeybgeli doonaa shir sare oo gaar ah oo madaxda waddamada ku jira urur goboleedka IGAD ay kaga hadli doonaan nidaaminta iyo la socodka xawaaladaha.

Madaxweynaha oo socdaalkiisa ay ku wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka iyo mas’uuliyiin kale, ayaa sidoo kale la filayaa inuu khudbado ka jeediyo shirarkan.

Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanaya dagaalo sokeeye, una baahan maalgashi iyo dib u dhis ayaa la filayaa in shirkan caalamiga ah ay kala soo noqoto natiijooyin wax ku ool ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Ethiopia iyo hawlwadeennada safaaradda Soomaaliya ee magaalada Addis Ababa.

–DHAMMAAD—

1 2 3 4 5 6 7 8 9

Previous Post

Mudane ka tirsna Golaha deegaanka ee magaalada Espoo oo dhambaal soo gaarsiiyay Madaxweynaha

Next Post

Tartamayaasha deegaanka Jawiil oo caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka “Dhageyso”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Boondheere oo u soo gudbay wareegga labaad ee Tartan Cilmiyeedka “Dhageyso”

Tartamayaasha deegaanka Jawiil oo caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka "Dhageyso"

Somali FM Holds Virtual Talks with Korean Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed kala hadlay adkeynta Madaxbanaanida dalkeenna

January 12, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa Isniintii wadahadal laba geesood...

Somalia and China Reaffirm Strategic Partnership and Mutual Support on Core Interests

Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Shiiina oo ka wada hadlay Midnimada Dalka

January 12, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa wadahadal khadka taleefanka ah...

Somalia and China Reaffirm Strategic Partnership and Mutual Support on Core Interests

Somalia and China Reaffirm Strategic Partnership and Mutual Support on Core Interests

January 12, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held a...

Somali FM Holds Virtual Talks with Korean Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

Somali FM Holds Virtual Talks with Korean Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

January 12, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held virtual bilateral talks on Monday with his...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In