Saturday, February 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartamayaasha deegaanka Jawiil oo caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Tartamayaasha Degmada Boondheere oo u soo gudbay wareegga labaad ee Tartan Cilmiyeedka “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV uuna taaba gelineyo sanadkii labaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan oo ah wareegga saddexaad ee tartanka ku dhexmaray degmooyinka Jawiil iyo Gaalkacyo oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Mudug, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.

Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Jawiil iyo Gaalkacyo waxey noqotay sidan:-

Related posts

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

February 7, 2026
Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

February 7, 2026

Jawiil

Tartamayaasha Deegaanka Jawiil sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, Su’aalihii todobada ahaa ee la waydiiyay, waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex Su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, waxa ay si ka faa’iideysi ah u heleen Hal su’aal oo soo hareer martay tartamayasha Degmada Gaalkacyo, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Jawiil ay heleen noqoneysaa 8 dhibcood ( Sideed dhibcood).

Gaalkacyo

Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal,  su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Hal su’aal,  halka ay iska qaldeen Lix su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Gaalkacyo ka dhigeysaa inay heleen 2 dhibcood (Labo dhibcood).

Hadaba kulankii 24aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga afaraad (Semi-final) u soo gudbay tartamayaasha degmada Jawiil ee gobolka Hiiraan, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 25aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Baydhabo iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Baay iyo Jubbada Hoose, waxaana tartamayaasha degmada Jawiil ay foodda is dari doonaan tartamaayasha degmada Yaashiid oo xalay u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka.

Halkan ka dhageyso

Qeybta Koowaad ee Tartanka

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/07/Qeybta-Koowaad-Tartankii-caawa-12-07-2015-ok.mp3

Qeybta Labaad ee tartanka

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/07/Qeybta-Labaad-ee-tartankii-caawa-12-07-2015.mp3

 

Previous Post

Madaxweynaha oo gaaray Addis Ababa kana qeybgalaya Shirweynihii 3aad ee Caalamiga ee dhinaca Maalgashiga “SAWIRRO”

Next Post

Xildhibaannada baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug oo u furmay tababar la xiriira howlahooda

Next Post
Araaji Qabashada Musharaxiinta U Taagan Xilka Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Galmudug Oo Heer Gaba gaba Ah Maraya

Xildhibaannada baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug oo u furmay tababar la xiriira howlahooda

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JABUUTI):-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed, ayaa si rasmi ah loogu doortay xilka Madaxweyne Ku-xigeenka Ururka Kubadda...

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Prof. Salim Caliyow Ibrow, ayaa si faahfaahsan uga...

Munaasabad lagu soo dhaweynayo Wasiirka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu qabtay dalka UK

Munaasabad lagu soo dhaweynayo Wasiirka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu qabtay dalka UK

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LONDON):-Magaalada London ee Caasimadda Dalka UK waxaa xalay lagu qabtay munaasabad si weyn loogu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo...

Soomaaliya oo sanadkan ka qayb galaysa dhoolla-tuska badda ee dalalka caalamka

Soomaaliya oo sanadkan ka qayb galaysa dhoolla-tuska badda ee dalalka caalamka

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya ayaa ku biirtay dhoolatus ballaaran oo ay wadajir u sameynayaan ciidamada badda dalal dhowr ah, kaas oo ujeeddadiisu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In