Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV uuna taaba gelineyo sanadkii labaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan oo ah wareegga kama dambeysta ah ee tartanka ku dhexmaray degmooyinka Kismaayo iyo Baydhabo oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Baay, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.
Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Kismaayo iyo Baydhabo waxey noqotay sidan:-
Kismaayo
Tartamayaasha Deegaanka Kismaayo sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, Su’aalihii todobada ahaa ee la waydiiyay, waxa ay si sax ah uga jawaabeen Hal Su’aal, halka ay iska qaldeen Lix su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartamayaasha degmada Ksimaayo, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Kismaayo ay heleen noqoneysaa 2 dhibcood ( Labo dhibcood).
Baydhabo
Tartamayaasha Degmada Baydhabo waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal, su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, waxa ayna ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareertay tartamayaasha degmada Kismaayo, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Baydhabo ka dhigeysaa inay heleen 10 dhibcood (Toban dhibcood).
Hadaba kulankii 25aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga kama dambeysta ah ee (Final-ka) tartankan u soo gudbay tartamayaasha Degmada Baydhabo ee gobolka Baay, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe oo ah habeenka 26aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Yaaqshiid iyo Jawiil oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Hiiraan., waxaana tii kama dambeysta ah ee tartanka u soo baxda ay is arki doonaan tartamayaasha degmada Baydhabo oo caawa wareeggaasi soo gaaray, halka tan kale ee hartana ay kaalinta saddexaad la cayaarti doonto tartamayaasha Kismaayo oo tartanka laga reebay.
Halkan ka dhageyso
Qeybta koowaad ee tartanka
Qeybta Labaad ee tartanka