Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO SAWIRADA-Ra’iisul wasaare Cumar oo booqday Xarunta Qaxootiga Yaman ee magaalada Qardho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
DAAWO SAWIRADA-Ra’iisul wasaare Cumar oo booqday Xarunta Qaxootiga Yaman ee magaalada Qardho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Garowe, July 18, 2015…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo booqasho ku jooga Puntland ayaa maanta booqday Xarunta Jaamacadda Bariga Africa oo si KMG ah ay u dagan yihiin Qaxootiga Yemen ee isaga soo cararay dagaallada ka soconaya dalkooda, waxana uu halkaas kula hadlay boqolaal kamid ah qaxootiga, isagoo u sheegay dowladda Soomaaliya in ay gacan siin doonto dadka reer Yemen ee ka soo cararay dagaallada ka socda dalkooda.

Ra’iisul Wasaare Cumar, ayaa sheegay Xukuumadda Soomaaliya in magaalada Qardho ay usoo diri doonto Xubno ka socda dowladda si ay ula socdaan baahida gaarka ah ee dadka soo Barakacay si gurmad ku filan loogu fidiyo, horeyna ay gacan u siiyeen xiligii dalkooda kasoo barakeen. Wuxuna mahadcelin u jeediyey shacabka iyo Maamulka Puntland, isagoo tilmaamay in uu aad uga xun yahay dagaalada ka dhacay dalka Yemen.

Related posts

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026
DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026

“Dalalka Soomaaliya iyo Yemen waa labo dal oo walaalo ah aadna isugu dhaw dhalasho ay ka dhaxayso, sidaas darteed waxaan rabbi uga baryayaa in dabka dagaalka uu ka damiyo, waxaan dhawaan soo diri doonaa guddi ka socda Hay’adda Qaxootiga Qaranka, kuwaas oo garab siin doona dadkan dhiban, Hay’adaha Caalamiga ah waxaan ugu baaqayaa in loo gurmado dadkan” ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Magaalada Qardho waxaa ku sugan Qaxooti gaaraya 400 oo kasoo barakacay dalka Yemen, waxana dib u dajin loogu sameeyey qaybo kamid ah Puntland Soomaaliya iyo deegaano kale. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ku bixisay sidii Qaxootigaas ay u heli lahaayeen goobo ay dagaan iyo adeeg dhamaystiran.

—–DHAMMAAD—

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (4) unnamed

Previous Post

Dugsiga tababarka booliska ee Jeneraal kaahiye oo lagu qabtay xafladda ciida

Next Post

Dalada Waxbarashada ee FENPS oo guddiga samatabixinta qaxootiga Yemen lacag ku wareejisay

Next Post
Dalada Waxbarashada ee FENPS oo guddiga samatabixinta qaxootiga Yemen lacag ku wareejisay

Dalada Waxbarashada ee FENPS oo guddiga samatabixinta qaxootiga Yemen lacag ku wareejisay

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026
0

Kulanka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sacuudiga, oo uu shir-guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, ayaa si cad u muujiyay in...

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go'aanka Golaha Xukuumadda...

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

January 13, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ay qeyb ka yihiin Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS ayaa goordhow gaaray Caasimadda...

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In