Wednesday, August 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo loo qeybiyay Hindise sharciyeedka la dagaallanka argagixisada iyo kuwa kale

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 25, 2015
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa soo xaadiray 141 Xildhibaan, waxaana ajandaha ugu horeeya uu ahaa akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka la dagaallanka argagixisada, iyadoo Xildhibaannada uu ka hor akhririyay Wasiirka amniga gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo Xildhibaannada u sheegay in muhiimad gaar ah ay u leedahay hindise sharciyeedkan sugidda amniga guud ahaan ee dalka iyo fulinta sharciga, iyadadoo la dhowrayo xaqa muwaadintiinta Soomaaliyeed ay leeyihiin, waxana uu mudanayaasha ka codsaday in ay meel mariyaan hindishe sharciyeedkan

Dhanka kale mudanayasha Baarlamaanka ayaa loo qeybiyay qaraaro dhowr ah, iyadoo kuwii maanta Xildhibaannada loo qeybiyay ay ku jirtay qaraar ku saabsan Nidaam siyaasadeedka iyo qorshaha sharciga lagu dhisayo dowlad goboleedyada xubinta ka noqonaya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasi oo uu baarlamaanku u soo diyaariyay Guddiga Arrimaha gudaha iyo amniga, waxaana mudanayaasha qaraarkaasi ka hor akhriyay Xoghayaha Guddiga Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan, waxaana xukuumadda laga codsaday inay soo gudbiso nidaam siyaasadeedka lagu dhisayo Maamul Goboleedyada.

Related posts

IGAD oo soo dhaweysay heshiiska ay wada gaareen Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

IGAD oo soo dhaweysay heshiiska ay wada gaareen Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

August 27, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka

August 27, 2025

Xildhibaanada ayaa sidoo kale loo qeybiyay soo jeedin guddiga la socodka iyo dib  u eegista dastuurka, kaasi oo qaraarka Xukuumadda iyo Baarlamaanka loo muujinayo tubta loo marayo, waxaana Xildhibaanada ka hor akhriyay Xildhibaan Ibraahim Saalax Deefullah oo ah xoghayaha guddiga dib u eegista dastuurka ee Baarlamaanka.

Qaraarada maanta Xildhibaannada loo qeybiyay, waxaa wehliyay qaraar kale oo  qabyo ah oo aan weli la qeybin, balse Baarlamaanka uu ka hor akhriyay, Guddoomiye ku-xigeenka guddi hoosaad uu Guddoonka baarlamaanka u xilsaaray inay ka soo talo bixiyaan, habka loo wajahayo siyaasadda 2016-ka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Fadhaye,  kaasi oo ku qoto siyaasadda 2016-ka lagu hayo dalka.

 

 

Previous Post

Xildhibaan Dhalxa oo ka tacsiyeeyay Xildhibaan lagu dilay Muqdisho

Next Post

Barack Obama “Waan xoojineynaa la dagaallanka Al-Shabaab”

Next Post
Barack Obama “Waan xoojineynaa la dagaallanka Al-Shabaab”

Barack Obama “Waan xoojineynaa la dagaallanka Al-Shabaab”

IGAD oo soo dhaweysay heshiiska ay wada gaareen Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

IGAD oo soo dhaweysay heshiiska ay wada gaareen Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

August 27, 2025
0

Xoghayaha fulinta Urur Goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa bayaan ka soo baxay Xafiiskiisa ku sheegay inuu soo dhoweynayo heshiiskii...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka

August 27, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Qaranka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Qaranka Shiinaha

August 27, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socday Suudaan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socday Suudaan

August 27, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In