Wednesday, September 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Barack Obama “Waan xoojineynaa la dagaallanka Al-Shabaab”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Barack Obama “Waan xoojineynaa la dagaallanka Al-Shabaab”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo dalka Kenya kula kulmay Madaxweynaha Kenya ayaa xusay in dowladda Mareykanka ay sii wadayso la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab si guud ahaan gobolka looga cirib tiro.

Mr Obama ayaa yiri “Dadaalada waa kuwo wadajir ah oo wadankeyga kala shaqeynayo Uganda, Ethiopia iyo kuwo kale, anaga waxaan si isdaba joog ah hoos ugu dhignay dhulka ay ka taliyaan Al-Shabab, waxaan awoodnay in aan yareyno dhibaatada ay ka geysan karaan gudaha Soomaaliya,” isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Madaxweyne Barack Obama ku daray “Waxaan sidoo kale wiiqnay awooda shabakadaha argagaxisada ee ka howlgala bariga Afrika, si lamid ah guud ahaan caalamka oo dhan kooxaha gacan ka hadalka aaminsan aan awoodooda daciifinay, balse wali dhibaato ayay geysan karaan, tusaale ahaan shakhsiyaadkii ka dambeeyay weeraradii Jaamacadii Gaarisa iyo suuqa ganacsiga ee West gate, waa kuwo naftooda biimeeya oo dad badana dhibaateeya, waana weeraro ay la beegsadaan dadka shacabka ah”.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

September 1, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐭𝐢𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟔

September 1, 2026

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ay ka wada hadleen in la xoojiyo la dagaallanka Al-Shabaab, iyadoo la kaashanayo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, si loo joogteeyo cadaadiska la saarayo kooxaha argagixisada.

“Anagoo la shaqeynayna dowladda Soomaaliya, maadaama dowladda ay isku balaarinayso deegaanada Al-Shabab ay joogaan, Dowladda hadda jirta waa mid uu caalamku aqoonsanyahay, anaga waxaan sidoo kale sameynayaa in aan kordhino awooda ciidan ee ka dhanka ah Al-Shabaab si dowladda Soomaaliya u awoodo in ay dhisato hey’adaheeda dowliga ah, taas oo hadda horumar sameynaysa, waxaa intaasi dheer in aan dhanka mukhaabaraadka ka caawin doona dowladda Kenya iyo guud ahaan wadamada gobolka, si loo ogaado, isla markaana looga hor tago kooxaha dhibaatada ka shaqeeya had iyo jeeraale” ayuu yiri Madaxweyne Barack Obama.

Previous Post

Baarlamaanka oo loo qeybiyay Hindise sharciyeedka la dagaallanka argagixisada iyo kuwa kale

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

September 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed barbar socday Shir-madaxeedka dalalka dhex-dhexaadka ah ee magaalada Belgrade,...

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐭𝐢𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟔

September 1, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay qabsoomidda Shirweynaha Madasha Qaran ee...

Ra’iisul Wasaare Xamsa & wafdiga la socday oo kulamo la qaatay hay’ado iyo shirkado dowladeed oo Qatar leedahay

Ra’iisul Wasaare Xamsa & wafdiga la socday oo kulamo la qaatay hay’ado iyo shirkado dowladeed oo Qatar leedahay

September 1, 2026
0

Intii uu ku guda jiray booqashadiisa rasmiga ah ee dalka Qatar, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

MADAXWEYNAHA JFS OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA DALALKA DHEX-DHEXAADKA AH

MADAXWEYNAHA JFS OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA DALALKA DHEX-DHEXAADKA AH

September 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Shirka Dalalka dhex-dhexaadka ah oo maanta ka furmay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In