Shirka caalamiga ah oo looga hadlayo Hiigsiga 2016 ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta uu ka furmo magaalada Muqdisho, kaasi oo wadajir ay u shir gudoominayaan Madaxweynaha dalka iyo Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.
Shirka ayaa daba socda kii lagu qabtay magaalada Copenhagen ee dalka Denmark oo bishii November ee sanadkii hore, kaasi oo looga hadlay hiigsiga 2016, waxaana sidoo kale diirada lagu saarayaa waxa ka qabsoomay shirkii hore iyo sida loo maareyn karo howlaha horyaalla dowladda.
Afhayeenka Madaxweytooyada Qaranka Mudane Daaโuud Aweys ayaa sheegay in ujeedada shirkaan ay tahay in dib u eegis lagu sameeyo wixii ka qabsoomay Hiigsiga cusub iyo waxa hadda horyaalla Dowladda Federaalka iyo taageerayaasha Beesha Caalamka.
โShirka waxa uu socon doonaa muddo labo cisho ah, Madaxweynaha iyo Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa shir guddoominaya, waxa uu daba socdaa kii lagu qabtay Copenhagen, waa markii ugu horeysay ee shir nuucaasi ah oo lagu qabto gudaha dalka, arrimaha ugu muhiimsan ayaa ah waxyaabihii ka qabsoomay shirkii horeโ ayuu yiri Daaโuud Aweys.
Afhayeenka ayaa xusay in shirkan uu xigi doonaa shir kale oo ka dhici doona Dalka Kenya kaasi oo lagu dhameystirayo heshiis 2015, u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya oo ku saabsanaa ammaanka, siyaasadda iyo dhaqaalaha , waxaana shirka qeybtiisa hore kulmaya guddiyo farsamo oo labada dhinac ah, kaasi oo ugu dambeyn uu shirkaasi ku biiri doono Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo dhameystiraya waxyaabihii ay gudiyada ku heshiiyeen.
Shirkii Copenhagenย oo ay ka qeybgaleen 50 Dowladood iyo Ururo isugu jira ayaa waxaa lagu bogaadiyay horumarka Dowladda ay ka sameysay howllgalada, arrimaha Maaliyada, iyada oo la isla gartay in si wadajir ah looga qeyb qaato horumarada gogal xaarka ah hiigsiga 2016.