Wednesday, October 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dib u habeynta manhajka waxbarashada ee dalka oo laga hadlay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan looga hadlayay manhajka Waxbarashada Soomaaliya sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa oo waxbarashada dalku hal manhaj u yeelan lahayd ayaa waxaa uu maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho, waxaana ka qayb galay mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka socotay maamul goboleedyada dalka ka jira, waxaa kale oo ka qayb galay xubno ka socday Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed iyo sidoo kale hay’ada waxbarashada Africa .

Kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixin laga soo sameeyay ilaa 11 gobol oo dalka ka tirsan, waxaana ka qayb galayaasha la siiyay siminaar hal maalin ah, waxaana dadka ka qayb galay looga fadhiyaa in ay soo saaraan go’aan mideysan oo manhajka waxbarashada dalka lagu sameynayo .

Related posts

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025

Agaasimaha Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada mudane Ismaaciil Yuusuf oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in muhiimadda kulanku yahay in dib u habeyn lagu sameeyo manhajka waxbarashada dalka, isla markaana xubnaha kulanka loo qabtay looga fadhiyo in Soomaaliweyn ay u soo saaraan  manhaj tayeysan.

“Manhajkaan u baahanahay maanta waxaa uu noqon karaa sida meeshaan ku taala manhaj dhisi kara waxbarashada, manhaj aan dadka isku diri karin  barnaamijkaan maanta ku saabsan  hay’adaan INT ay nagala qayb qaadaneyso Wasaaraduna ay hogaamineyso, waxaan rabnaa in aad looga dodo”ayuu yiri Ismaaciil.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Mudane Xaamud Cali Xasan ayaa waxaa uu si faah faahsan uga hadlay muhiimada ay leedahay in dalku yeesho manhaj mideysan waxaana uu la dar daarmay ka qayb galayaasha inay ka faa’iideystaan siminaarka loo furay.

“Waxaa weeye howshu howl yar maahan. in la is xilqaamo  ma ahan work shop-kaan in la fariisto oo la iskaga tago, waxaa weeye mas’uuliyad weynbaa idin saran, qodobada laga dhaqaaqayo idinka ayaa sameynaya iyo manhajka laga dhaqaaqayo ee aan Ummadda dhex geyneyno oo dowladda dhex geyneyno”ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka.

.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in beesha caalamka ay bogaadisay horumarka dowladda “Dhageyso”

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay in baasaboorada diblumaasiga ee labada dal laga dhaafo shuruudda dal-ku-galka, kaddib...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta ka qeyb galay Shirka 72-aad...

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

October 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalay Shirka...

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

October 15, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Golaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In