Monday, January 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xarun cusub oo loo dhisay ciidanka booliska ee qeybta miino baarista qaabilsan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Taliska booliska oo ka digay in qashinka la soo dhoobo hareeraha waddooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabaddan xariga looga jarayay xarun cusub oo ay yeelanayaan ciidamada booliska ee qeybta miino baarista u qaabilsan, waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga gudaha, taliyaha ciidanka booliska, qeybaha kala dwuan ee ciidanka booliska, saraakiil kale ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxa ay ciidamada halkaasi ku soo bandhigeen dhoola tus ku aadan habka ay miinada u soo saaraan iyo sida looga hortago inay waxyeelo u geysato bulshada marka qarxinayaan, iyadoo dhismaha xarunta cusub ay gacan ka geysatay dowladda Canada.

Related posts

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

January 18, 2026
Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

January 18, 2026

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo xafladda hadal kooban ka jeediyay ayaa xusay in ciidanka booliska qeybta miino baarista u qaabilsan ay qabteen howlo muhiim ah, isla markaana ay yihiin koox uu ku faano taliska ciidanka booliska, ayna joogteynayaan tababar siinta ciidamada kale ee booliska.

“Kooxdan waa kooxda aan is dhihi karo kooxda ugu horeyso ee booliska Soomaaliyeed oo saddexdii qodob ee aas aasiga ahaa isku heysata, waxaana rajeyneynaa in maalinba qeyb ka mid ah booliska aan u tayeyno, oo qalabkii loo siiyo, oo daryeel ay helaan, waxana kaloo rabaa in aan halkaan amaan uga soo jeediyo taliyaha kooxda Gaashaanle dhexe Cabdikariin oo runtii isagu muujiyay hogaamin wanaagsan, kudayo badan ayay noo leedaya, koox waliba iyo hogaan waliba waxaan laga rabaa inay isku duubnaadaan, isla markaana ay fahmaan waajibaadka looga fadhiyo” ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliska.

Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa tilmaamay inay tahay tallaabo lagu farxo sida ay ciidamada u tababaranyihiin, isla markaana ay uga go’antahay in shacabka ay ka difaacaan cadowga qaraxyada u maleegaya.

“Farxad ayay ii tahay in aan idinkala qeyb galo munaasabadan lagu furayo xaruntan cusub, runtii ku timid dadaal badan oo ay saraakiishu ku bixiyeen, runti aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay taliyaha meeshan Cabdikariin uu qabtay, waa wax lagu farxo, waa wax noo noqon karto tusaale fiican, waxaan soo jeedinayaa inay ku daysadaan hay’adah kale ee dowladda” ayuu yiri Wasiirka Amniga gudaha.

Previous Post

Wasaaradda caafimaadka oo qorsheyneyso inay dawooyin gaarsiiso deegaannada laga saaray Al-Shabaab

Next Post

Wasiirka Caafimaadka “Hal sano laguma arag Soomaaliya kiis la xiriira cudurka dabeysha” SAWIRRO

Next Post
Wasiirka Caafimaadka “Hal sano laguma arag Soomaaliya kiis la xiriira cudurka dabeysha” SAWIRRO

Wasiirka Caafimaadka "Hal sano laguma arag Soomaaliya kiis la xiriira cudurka dabeysha" SAWIRRO

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

January 18, 2026
0

Xaaladda abaarta ah ee dalkeena ka jirta ayaa galaafatay xoolihii ay bulshada dhaqaneysay, waxaana tusaale kuugu filan Neefka sawirka ka...

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

January 18, 2026
0

Dhammaan Masuuliyiinta iyo Howlwadeenada Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay ka tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha u Naxariistee Marxuum 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐇𝐚𝐣𝐢...

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

January 18, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay odayaasha ku sugan magaalada Laascaanood , oo ka mid...

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Danjire Cabdinuur Yuusuf

Ministry of Foreign Affairs Extends Condolences on the Passing of Ambassador Cabdinuur Dabaqe

January 18, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia extends its deepest condolences on the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In