Kulankan oo lagu xasuusanayay weerarkii sideed sano ka hor maleeshiyada Al-Shabaab ay ku dileen Allaha u naxariistee Agaasimihii Idaacadii Horn Afric Cali Iimaan Sharma’arke iyo Agaasimihii Idaacadii Capital Voice Mahad Axmed Cilmi, laguna qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay ehelada labada Marxuum iyo Wariyaal u shaqeeya Warbahainta gudaha iyo kuwa Dibadda.
Dhamaan dadkii kulanka ka qeybgalay oo Suxufiyiin u badnaa ayaa laga dareemayay sida ay uga xun yihiin dilalka iyo tacadiyada Wariyaasha Soomaalida ay la kulmaan oo la aaminsan yahay inay aad u bateen kaddib dilkii labadaasi Wariye.
Siyaasiga Xasan Qalaad oo waxbadan ka yaqaanay Cali Iimaan ayaa ku dheeraaday ka sheekeenta wanaaga iyo Taariikhda uu lahaa Marxuumka.
“Walaalkey Cali Iimaan anigu waxaan bartay mudo aad u dheer, waxaan aheyn saraakiil ciidan oo ka baxday kuliyadihii ciidanka, inkastoo uu isaga iga horeeyay, markii damaba uu aaday dibadda, gaar ahaan Mareykanka, wuxuuna Jaamacaihii ka siiwatay Canada iyo Mareykanka intaas kadibna dalka ayuu dib ugu soo laabtay intuu wadanka jogayna waa iska warqabnay”ayuu yiri Xasan Qalaad.
Sidoo kale Cabdi Iimaan Sharma’arke oo walaal la ah Marxuum Cali Iimaan ayaa mar uu kulanka ka hadlayay waxa uu u mahadceliyay wariyaashii ay soo wada shaqeeyeen Cali Iimaan Sharma’arke iyo kuwii soo qaban qaabiyay kulanka maanta.
“Waxaan u mahadcelinayaa wariyaashii Horn Afric ka baxay iyo kuwaan ka bixin, waxaa taariiq lama iloobana leh oo aan qiraa sanadkasta inay abaaa leeyihiin wiilal iyo gabdhaba wixii ka baxay Horn Afric, dadkii Horn Afric ka baxay mowqifka ay ka qaateen Cali Iimaan iyo carruurtiisa maalintuu dhintay ilaa hada waxaan aaminsnahaay inaana anigu xitaa ka qaadan”ayuu yiri Cabdi Imaan.
Maantoo kale sanadkii 2007- ayay aheyd markii magaalada Muqdisho lagu dilay Agaasimihii idaacaddii Horn Afric Cali Iimaan Sharma’arke iyo Agaasimihii Idaacadii Capital Voice Mahad Axmed Cilmi waxaana la aaminsan yahay in maalintaasi kadib uu aad u batay dilalka iyo tacadiga loo geysto Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee gudaha dalka ka shaqeeya.
Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir