Thursday, September 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye: “Dadka sida sharci darrada u degan Ex-fiyoore haka guureen 10 cisho gudahood”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in beesha caalamka ay bogaadisay horumarka dowladda “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay wehliyaan Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, Taliyaha Hay’ada Nabdsugida iyo Sirdoonka Qaranka Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare (Cumda), Abwaanno iyo Fanaaniin ka tirsan Hobalada Qaranka ee Waaberi ayaa waxa ay kormeer ku tageen Hooyga Hobolada Waaberi ee Ex-Fiyoore, wuxuuna Wasiirku ku amray dadka sida sharci darada ah ku degan halkaasi inay uga guuraan mudo 10-cisho gudahood ah, iyadoo cidii aan amarkaasi u hogaansmaina talaabo laga qaadi doono.

Wasiir Maareeye oo Warbaahinta Qaranka kula hadlay ilinka hore Ex-fiyoore ayaa sheegay in go’aanka halkaasi looga rarayo dadka sharci darada ku degan uu ka dambeeyay kadib cabasho uga timid xubnaha Hobalada Qaranka ee Waaberi, taasi oo ah in dad badan si aan sharci aheyn ku degnaayeen guryaha ku yaala Ex-fiyoore.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Sidookale Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumada Soomaaliya ayaa xusay in dadka mudadii burburka dalka uu kujiray deganaa Ex-fiyoore ee aan aheyn Hobolada Qaranka Waaberi  iminka loo baahan yahay inay u guuraan qeybaha kale ee magaalada, maadaama buu yiri Wasiirku  hormar iyo isbedel badan uu kajiro Caasimada Muqdisho.

“Waa mahadsantihiin maanta waxaa sharaf inoo ah inaan soo booqano xaruntii Hobalda Waaberi ee Ex-fiyoore oo aan ugu imaano runtii odayaashan, waaweyn Harawo, Sangub, Barrow Cabdikariin Jiir, Dalxa oo Xildhibaan ah fanaana ah, Oday Cabdulle iyo odayaahsan dhan inaa halkan ugu imaano ani iyo taliyaha nabadsugida Soomaaliyeed, runtii waxaa mudo nasoo gaarayay cabasho ka soo baxayay Hobalada Waaberi ee waaweeyn oo laga qabsaday guryahoodii iyo dhulkii ay wacyigalinta ku sameyn jireen, waxaan leenahay walaalaha halkaan degan intii aad ku nacfin karteen waa ku nacfideen, intaa degnaa karteen waa degneedeyn laakiin maanta waxaa loo celinayaa gacmihii lahaa gacmihii hobalada Waaberi, isaga guura walaalayaal waxaan amar ku bixneynaa qof kastoo aan kamid aheyn Hobalada Waaberi inuu mudio 10-cisho ah ka ka guuraan cidii aan kaguurin talaabo sharciyaa laga qaadayaa”ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasaarada Warfaafinta ayaa mudooyinkii dambe waday dadaalo gacanta Wasaarada dib loogu soo celinayo isla markaana dadka sida sharci darada ah ku degan looga saarayo xarumihii iyo guryihii ay Wasaaradda laheyd oo oo ay ka mid yihiin Ex-Fiyoore iyo Tiyaatarka Qaranka.

Previous Post

Sharciga nidaaminta shidaalka oo laga hadlay

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In