Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Diini: “Dib-u-dhiska Ciidanka Qaranka uma hakanayo falalka Argagixisada”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiir Diini: “Dib-u-dhiska Ciidanka Qaranka uma hakanayo falalka Argagixisada”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho,August 22, 2015..Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa si adag u canbaareeyey weerarkii argagaxisanimo ee maanta lagu qaaday  xarunta Jaamacadda Kismaayo oo fariisin u ah  Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM. Weerarkaasi fulaynimada ah oo ay ku dhinteen askar ka tirsan Ciidanka Qaranka , ayaa Wasiirku ku tilmaamay mid naf la caari ah oo kooxaha nabadda kasoo horjeeda ku bartilmaameed sadeen xarun ay dagan yihiin ciidamadda Dawladda.

Wasiir Diini ayaa sheegay weerarkaasi oo loo adeegsaday gaari waxyaalaha qarxa lagu soo rakibay in uu geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

Related posts

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

February 28, 2026
Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026

Wasiir Diini ayaa yiri: “Weerarkan waxa uu ka mid yahay falalka naf-lacaariga ah ee kooxaha nabad-diidka ah  ku bartilmaameed-sanayaan xarumaha dawladda iyo goobaha shacabka ee dalkeena Soomaaliya, falkan fulanimada ah waxa uu keli ah muujinayaa taag-darida kooxaha nabad-diidka ah ee hortaagan horumarka ummada Soomaaliyeed, waxaan u sheegayaa cadowga falkan geystay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed mar walba u taagan yahay difaaca dalkooda hooyo, dhismaha ciidankuna u hakan doonin falalka guracan ee Al-shabaab”.

“Waxaan tacsi u dirayaa  qoysaskii iyo ehelladii dadkii dhintay, waxaana leeyahay allaha u naxariisto inta  dhaawaca ahna waxaan u rajaynayaa inay ka soo kabtaan dhaawacan, waxana Dawladdu xil iska saaraysaa daryeel-kooda, sidoo waxaan kale tacsi u dirayaa ciidamadda  AMISOM ee wax yeeladu gaartay gaar ahaan ciidanka Kenya oo uga tacsiyeynayo ehelladooda meel kasta oo ay joogaan waana ku mahadsan yihiin sida ay dhiigooda noogu hureen”.

Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa xusay in weerarkan marna ka weecin doonin  dadaalka loogu jiro dib u dhiska ciidamadda qaranka Soomaaliyeed iyo in xasilooni dib loogu  soo celiyo dhammaan dalka Soomaaliya si ummaddeenuna nabad iyo cizi ugu noolaato.

Wasiir Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ugu danbeyn, dadka dagan  Kismaayo wuxuu ugu baaqay  in si mideysan ay  uga soo horjeestaan ururada nabadda iyo xasiloonida diidan.

Previous Post

Xaflad lagu taageerayay Galmudug oo lagu qabtay Mareykanka “SAWIRRO”

Next Post

Hay’adaha amniga oo ka hadlay qaraxii maanta ee isgoyska Jubba “Dhageyso”

Next Post
Hay’adaha amniga oo ka hadlay qaraxii maanta ee isgoyska Jubba “Dhageyso”

Hay’adaha amniga oo ka hadlay qaraxii maanta ee isgoyska Jubba “Dhageyso”

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

February 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya waxay si cad u beeninaysaa wararka been abuurka ah ee maalmahan lagu baahinayay baraha...

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka sarkaal Mareykan ah uu u sheegay Al Jazeera in Mareykanku...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay bariga gobolka Hiiraan, kaas oo qayb ka...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NAIROBI):-Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay  Cashadii Sannadlaha ahayd ee Afurka, taas oo xalay lagu qabtay Xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In